Hiiraan Online
Friday, May 24, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Jan 31, 2013
Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Somalia oo soo dhaweynaysay xiriirka cusub ee Dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo dhaweysay dib u soo laabashada xiriirka u dhexeeya dalalka Shiinaha iyo Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadihii lixdameeyada.
Fowziyo oo wareysi gaar ah siisay wakaaladda wararka ee Xinhua (Shinwaa) ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay ka hirgelisay Soomaaliya dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin; dhismaha isbitaallo, garoonka kubadda cagta ee Mogadishu Stadium iyo weliba waddada isku xirta gobollada Koonfureed iyo kuwa Waqooyi ee Soomaaliya.
“Shiinuhu wuxuu ahaa saaxiibka wanaagsan ee Soomaaliya tan iyo sannadkii 1960-kii. Markii Shiinaha la godoomiyay, waan caawinnay Shiinaha – waxaan dadaal u galnay sidii uu ugu biiri lahaa Qaramada Midoobay,” ayay tiri wasiiradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.
Wasiirradda oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri: “Shiinuhu wuxuu ka fuliyay Soomaaliya mashaariic wanaagsan, haddana waxay rajeynayaan inay ka fuliyaan kuwaas oo kale. Waan u mahadcelinaynaa dowladda Shiinaha iyo shacabkooda.”
Sidoo kale, wasiirraddu waxay sheegtay in Somaaliya ay horay u socoto ayna caalamka uga baahan tahay inay ku caawinaad si dalka loo horumariyo labaatan sano oo colaado ah kaddib.
“Soomaaliya waxay ka guuraysaa colaadihii soo socotay muddada ka badan 20-ka sano, waxayna u guuraysaa dib u dhiska dalka iyo dhinaca horumarka,” ayay tiri wasiirradda.
Dowladda Soomaaliya ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo rasmi ah tan iyo sannadkii 1991-kii markasoo xukunka laga tuuray dowladdii milateriga ahayd, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha baarlamaanka lagu doortay Muqdisho markii ugu horreysay muddo 42-sano laga joogo.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno dowladda ka tirsan ayaa safarro ku maraya dalalka caalamka qaarkood iyagoo weydiisanaya taageero dhaqaale si dalka dib u dhis loogu sameeyo.
Wasiiraddu waxay sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay ku shaqeynayso lix tiir oo waaweyn, kuwaasoo ay qayb ka yihiin sugidda ammaanka, cadaaladda iyo weliba maareynta dhaqaalaha dalka.
“Madaxweynaheena iyo baarlamaankeenna waa kuwo ka shaqeynaya sidii dalkeennu uu caadi ku noqon lahaa. Waxaan la hadalnay beesha caalamka, waxaan socdaallo ku maraynaa dalal dunida ah si aan ugala hadalno lana wadaagno fikir ku aaddan sidii ay Soomaaliya taageero u siin lahaayeen,” ayay tiri Fowziyo Yuusuf Xaaji.
Iydoo hadalkeeda sii wadata ayay wasiirradu sheegtay in Soomaaliya ay ka jiraan xaalado adag oo wax ka qabasho u baahan, kuwaasoo ay ka mid yihiin: kobcinta dhaqaalaha, dib u dhiska waddooyinka, garoommada diyaaradaha, dekedaha iyo tamarta.
“Soomaaliya waa dal qani ah, wuxuu leeyahay wax-soo-saar dhinaca badda ah, xoolo nool, shidaal, gaas , macdan iyo beero. Waxaanu leennahay dhul beereed cabirkiisu yahay sideed milyan oo hiktar,” ayay tiri wasiiradda. Iyadoo intaas ku dartay inay jiraan dad badan oo Soomaaliyeed oo doonaya inay dalka maal-gashi ku sameystaan.
Dhanka kale, wasiiraddu waxay sheegtay in xaaladda ammaan ee dalka ka jirta xilligan ay sahashay inay dad badan dib ugu laabtaan dalka.
“Ugu yaraan 1,000 qof ayaa bil walba dib ugu laabta dalka. Kaddib markii ay dalal badan oo caalamka ku yaalla ay lasoo daristay xaalado dhaqaale oo khatar ah, dad badan oo Soomaaliyeed waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan dalka oo ay maalgashi ku sameystaan,” ayay wasiiraddu u sheegtay Xinhua.
Ugu dambeyn, wasiiraddu waxay sheegtay in ciidamada AMISOM ay door wanaagsan ka qaateen sidii deggenaashaha dalka loosoo celin lahaa, mar uuna ayayna dalka ka baxayaan. Iyadoo xustay in bixitaankoodu uu ku xiran yahay marka la xoojiyo ciidamada dowladda Soomaaliya.
“Soomaalida oo dhan waxay doonayaan in waqti aad u dhow ay soo laabato deggenaashaha dalka, qorshe cusubna la geliyo,” ayay wasiiraddu kusoo gabgabeysay hadalkeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Soomaaliya ay heshay ma ahan mid cid gaar ah lagu dhibaateynayo”
1/31/2013 12:40 PM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabayay hadal uu Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sheegay in aqoonsigii uu siiyay Mareykanka dowladda Soomaaliya aanu quseyn Somaliland.
UNHCR oo sheegtay in Qaxootiga Soomaalida ah ee ku jira Xeryaha Qoxootiga Kenya ay doonayaan inay ku laabtaan dalkooda
1/31/2013 11:47 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Hay’adda Qoxootiga Dunida ee UNHCR ayaa sheegtay in qaxootiga Soomaalida ah ee ku nool xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya ay doonayaan inay dib ugu laabataan dalkooda, kaddib labaatan sano oo ay xeryahaas ku jireen.
Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyay Xeerka iyo Anshaxa Ururrada Siyaasadda ee ka qaybgalaya Doorashooyinka
1/31/2013 9:07 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xeerka anshaxa ururada siyaasadda ee ka qayb-gelaya doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland.
Shacabka Somaliland oo u qaadan la' Amni-daradda ay Dowladda Ingiriisku ku sheegtay inay ka jirto Somailand
1/31/2013 9:00 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa qaadan la’ warka ku saabsan amni-darrad ee kasoo baxay dowaldda ingiriiska ee ay shacabkeeda uga digtay in ay kasoo baxaan Somaliland, taasoo dadku badi is-waydiinayaan ujeeddada uu Ingiriisku ka leeyahay inuu ku sheego amn-daro Somaliland, hase yeeshe illaa hadda aanay helin jawaab ay ku qancaan.
MADAXWEYNAHA PUNTLAND: "Nidaamka Axsaabta Waalalaheenna Somaliland ayaynu kaga dayannay" (SAWIRRO)
1/31/2013 8:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa shalay ka furmay shir-weynaha 1-aad ee urur-siyaasadeedka Horseed. Munaasabaddii shirka lagu furayey oo ahayd mid si weyn loo soo agaamisyey, islamarkaana ka dhacday hoolka shirarka ee Jaamacadda PSU, waxaa kasoo qayb galay madaxda sare iyo xubnaha ururka.
Haween markii ugu Horreysay ka mid Noqonaya Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar looga furay Baladweyne
1/31/2013 5:57 AM EST
Khamiis, Jannaayo, 31, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay magaalada Baladweyne tababar uga furay haween ka mid noqonaya ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Horkacyo oo gaaray Marka
1/31/2013 5:40 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) —Wafdi uu horkacayo ra’isul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa goordhow gaaray magaalada Marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose.
Madaxweynaha Somalia oo Faah-faahiyay kulammo Madaxda Midowga Yurub uu kula yeeshay dalka Belgium
1/31/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub, kuwaasoo looga hadlay sidii dowladda uu hoggaaminayo gacan looga siin lahaa dib-u-dhiska dalka.
Somali News
Some Somali refugees willing to go back home– UNHCR
-
Xinhua
1/31/2013 1:26 PM EST
NAIROBI, Jan. 30 (Xinhua) -- The UN refugee agency said Wednesday a section of theSomali refugees living in Kenya have expressed willingness to return to Somalia asnormalcy returns to southern part of the Horn of Africa nation.
Somali journalist charged over rape report
-
Al Jazeera
1/31/2013 1:18 PM EST
UN says government charges could "intimidate and silence" those who investigative claims of rape by security forces.
Somali terrorism trial gets under way
-
UT - San Diego
1/31/2013 1:12 PM EST
SAN DIEGO — Scores of recorded phone calls show that four Somali immigrants conspired in 2008 to raise money and send it to their homeland to assist the terrorist group al-Shabaab, a federal prosecutor said at the opening Wednesday of a terrorism trial in San Diego.
Kenya to host first investment conference for Somalia
-
Xinhua
1/31/2013 12:28 PM EST
NAIROBI, Jan. 31 (Xinhua) -- Kenya will host the first investment conference for Somalia in June to showcase opportunities that exist in the Horn of Africa nation, organizers said on Thursday.
Dadaab finds innovative ways to educate knowledge-hungry refugees
-
Guardian
1/31/2013 12:27 PM EST
New university campus near Dadaab complex aims to improve life for Somali refugees and prepare them for returning home
Somali president praises EU development aid
-
BBC
1/31/2013 10:20 AM EST
The president of Somalia has said that "building state institutions" is the priority of his new government. Giving evidence to a joint session of the Foreign Affairs and Development Committees on 31 January 2013....
Somali Police boost Mogadishu security
-
PressTV
1/31/2013 7:12 AM EST
The Somali police force has announced that it will soon arrest suspects accused of killings in Somalia. Addressing journalists in Mogadishu, the Somali police commissioner said that no one was above the law, adding that Somalia remains an active member of the international police organization,....
Government Charges Woman Who Says She Was Raped By Security Forces
-
HUFF POST
1/31/2013 6:50 AM EST
MOGADISHU, Somalia — A human rights group says the Somali government has charged a woman who has said she was raped by security forces. The group said a journalist who interviewed her was also charged.
Mandera leaders decry poor KCPE performance
-
DailyNation
1/31/2013 3:47 AM EST
Leaders in Mandera have decried the County's poor performance in the 2012 Kenya Certificate of Primary Education (KCPE) examination. Mandera was ranked last among the 47 counties in the results released on Monday.
USA: Somalia refugee family of 11 looking for Spokane home
-
KREM
1/31/2013 3:01 AM EST
newsinsideSPOKANE -- A Spokane non-profit organization that helps re-settle foreign refugees faces an unusual challenge. World Relief Spokane is trying to find a home for a Somali family of 11.
Jury mulls verdict in US Christmas bomb plot trial
-
AFP
1/31/2013 2:53 AM EST
PORTLAND, Oregon: The jury in the trial of a Somali-American accused of plotting to blow up a Christmas tree ceremony retired to consider its verdict Wednesday after lawyers made closing arguments.