4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
Haween markii ugu Horreysay ka mid Noqonaya Ciidamada Dowladda Somalia oo Tababar looga furay Baladweyne



Khamiis, Jannaayo, 31, 2013 (HOL) -- Saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa markii ugu horeysay magaalada Baladweyne tababar uga furay haween ka mid noqonaya ciidamada militariga dowladda Soomaaliya.

Xerada Lama-galaay oo si hor dhac ah tiro kooban oo haween ah tababarka lagu siinayo ayaa waxaa maanta booqday oo tagay marwada guddoomiyaha maamulka gobollka Maryan Max’ed Cabdul, saraakiisha dowladda ee maamulka gobollka iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Marwo Maryan oo ku labisan dareyska ciidamada militariga oo la hadashay haweenka uu tababarka u furmay ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxday markii ay maqashay warka ku saabsan in ciidamada tababarka la siinayo qeyb ka yihiin haween diyaar u ah in ay ku biiraan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

‘’Runtii waan wax lagu faano in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo diyaar u ah in ay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, waana sababta keentay in aan halkan idinku soo booqdo oo aan arko sida tababarku soconayo,’’ ayeey tiri marwo Maryan Max’ed Cabdul.

Waxaa ay ku war galisay haweenka tababarka u soconayo in dhawaan uu soo gaari doono sida ay sheegtay dareyskii ciidamada, iyadoo dhinaca kalana u balan-qaaday bil kasta in ay jeebkeeda ka siin doonto haweenka uu tababarka u soconayo lacag u dhan $ 50 doolar, oo ka baxsan mishaarka ay qaadanayaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadllay Col Towane Axmed Gurey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda maamulka gobollka Hiiraan ee tababarka bixinaya, waxaana uu sheegay in tirada haweenka tababarka loo furay yihiin kuwii ugu horeeyay, isaga oo uga mahad celiyay marwo Maryan Max’ed Cabdul booqashada ay ku tagtay xerada uu tababarku ka socdo iyo dhiiri-galinta ay u sameysay haweenka.

Xerada Lama-galaay oo xarun u ahaan jirtay ciidamadii hore xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa hadda lagu tababarayaa ku dhawaad 1000 askari oo la filayo in lagu biirayo ciidamada dowladda,waxaana muuqata in haweenku qeyb ka noqonayaan ciidamadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya