4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 31, 2013
Madaxweynaha Somalia oo Faah-faahiyay kulammo Madaxda Midowga Yurub uu kula yeeshay dalka Belgium
Khamiis, Jannaayo 31, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Belgium ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammo uu la yeeshay madaxda Midowga Yurub, kuwaasoo looga hadlay sidii dowladda uu hoggaaminayo gacan looga siin lahaa dib-u-dhiska dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay inuu la kulmay xubno ay ka mid yihiin: guddoomiyaha guddiga Midowga Yurub, Jose Manuel Barroso iyo
Catherine Ashton, isagoo sheegay inay kawada hadleen sidii Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya iskula shaqeyn lahaayeen.

“Kulanka waxaan uga hadlanay waayaha dowladda cusub ee billowga ah iyo sidii aan Midowga ula shaqeyn lahayn. Waayo waxaan soo xirnay xilligii KMG ahaa waxaana galnay xilli cusub,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay BBC-da, isagoo intaas ku daray in qodobbadii ay ka hadleen isaga iyo madaxda Midowga Yurub ay ku jirto sidii dib u dhis loogu sameyn lahaa Soomaaliya.

Mar la weydiiyay in gargaar lacageed loo ballanqaaday dowladdiisa iyo in kale ayaa sheegay inay dalbadeen in miinaasiyadda loo dajiyay in wax looga qabto Soomaaliya sannadihii u dhexeeyay 2008 illaa 2013 sannadkan wax laga bedelo, lana qabto howlaha dowladda ay doonayso in si gaar ah wax looga qabto.

“Waxaa la joogaa xilligii gabagabada ahaa ee miisaaniyadii Midowga Yurub ay ugu talogaleen Soomaaliya, kaasoo soo billowday sannadkii 2008 kuna eg sanadkan 2013, waxaana ku wargeliyay in sannakan wax laga bedelo habkii hore ee Soomaaliya loo caawin jiray, waxaana ka hadalnay qaabeyntii habkii lagu caawin lahaa Soomaaliya wixii ka dambeeya sannadka 2014,” ayuu yiri madaxweynne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in sanadkan dabayaaqadiisa ay dalalka Midowga Yurub qaban doonaan shir lagu ururinayo dhaqaale dib u dhis loogu sameynayo Soomaaliya, isagoo sheegay in shirkaas inta aan la gaarin la qaban doono shir kale oo muhiimaddiisa tahay sidii looga tashan lahaa horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

“Shirka sannadkan dhamaadkiisa la qaban doono wuxuu ku saabsan yahay sidii wax looga qaban lahaa Soomaaliya 10-ka sano ee soo socda, waxaana lagu soo qaadi doonaa inta ay le’eg tahay dhaqaalaha ay u baahan tahay dib u dhiska Soomaaliya, waxaana loo saari doonaa arrintaas guddi gaar ah,” ayuu yiri madaxweynaha.

Dhaka kale, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu wareysigiisa ku sheegay in madaxda Midowga Yurub ay u sheegeen in Soomaaliya ay ku jirto xilligii gargaarka, loona baahan yahay in laga saaro heerkaas loo gaarsiiyo heerka soo kabashada isagoo xusay in laga ogolaaday.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay kulan uu la yeeshay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Belgium iyo dalalka ku dhow, isagoo xusay in ay u sharraxeen xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo howlaha horyaalla dowladda Soomaaliya, isagoo xusay inay u sheegeen iyagana waxyaabaha looga baahan yahay inay gacan ka siiyaan dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu tago dalka Britain halkaas oo uu kula kulmi doono madaxda dalkaas iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaa. Waxaana safarrada madaxweynaha uu caalamka ku marayo lagu sheegay inay yihiin kuwo lagu adkeynayo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya