2014-04-24
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 30, 2013
MADAXWEYNE SIILLAANYO: “Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan u dhaartay dantiisa..."


Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL)-Madaxweyn aha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa maanta labadda gole Baarlamaan (Golaha Wakiiladda iyo Guurtidda) ka jeediyey khudbad sanadeedkii 2013, kaas oo uu kaga waramay wixii u qabsoomay mudadaasi iyo mustaqbalka waxa u qorshaysan.

 

Sidoo kale, waxa uu ka hadlay aqoonsiga Maraykanku siiyey Soomaaliya, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday iyo madax banaanidda Somaliland.

 

“ Waxa ay Xukuumadu sugtay Amaanka Goobihii Cod-bixintu ay ka dhacaysay oo ka badnaa 1800 oo goobood Si doorashu u noqoto mid xor oo xalaal ah.Iyadoo xukuumad ahaan nalaga sugayey dhaqaalaha doorashada ku baxaya 25%  ayaa waxaanu bixinay 33% iyadoo weliba aanu ururadii tartamayey  gacan ka siinay gaadiidka muraaqibiinta ay ku qaadayeen oo aanu ka bixinay kharash ka badan Hal Bilyan oo Shillinka Somaliland ah (1000,000,000)”ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu ka hadlayey qaabkay doorashadii golaha deegaanka u suurtogaliyeen.

 

Mar uu ka hadlayey dhaqaale kordhinta waxa uu yidhi “waxanu dhaxalnay khasnado madhan iyo deyn culus.Miisaaniyadii 2010 ee aanu la wareegnay waxay ahayd $50 Milyan oo Dollar, Sanadkan 2013Miisaaniyada Dawlada Dhexe waxay dhamayd $125 Miliyan oo Dollar,Miisaaniyadda Guud ee Qaranku waxay ahayd (1.Trillioniyo dheeraad oo shillinka SL ah oo dhiganta $174, Millayn oo dollar)”,.

 


“ Waxaanu kordhinay ciidamada meleteriga tiro gaadhaysa 1800 askari,Waxaanu kobcinay Tababarradooda, Taakulayntooda iyo Qalabayntooda,  iyada oo aanu u kordhinay Gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu  ku hawl galaan. Waxaanu qalabayn iyo dib-u-habayn ku samaynay Cisbitaalada Gaarka ah ee Ciidamada Qaranka ee Hargeisa iyo Burco.Waxaa kale oo la dhisay Dugsiga Tababarka Dararweyne iyadoo ay kasoo baxeen dufcado isdaba joog ah intii aan hogaanka dalka gacanta ku hayay”ayuu hadalkiisa raaciyey, waxaanu intaas ku daray in shan kun oo sarkaal la siin doono darajooyinkooda oo ay mushaharka ku qaadan doonaan, waxa kale oo uu xusay in dhalinyaro aqoonyahano ah oo ka soo baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha dalka loo tobabaray booliska, kuwaas oo tiradooddu gaadhayso 3900 oo askari oo 622 haween yihiin.

 

Madaxweynuhu waxa u sheegay inay sanadkan jaamacada dalka ka qalin jabiyeen 6,646 Arday, kuwaas oo u baahan in la hawlgaliyo, isla markaana shaqo helaan, haseyeeshee ay tiradaasi muujinayso inay la dagaalameen jahliga, isla markaana ay korodhay waxbarashadii dadweynaha Somaliland.

 

Mar uu ka hadlayey madax banaanidda Somaliland waxa uu yidhi “Dawlada cusub ee Somalia waxaan jecelahay inay inoo dhexayso cilaaqaad fiican, waxaanu cid walba u sheegayna dalkan Somaliland dawlad uma aha, mana xukunto, waxaynu dawladnimadeenii dib ulasoo noqonay sannadkii 1991-kii, maanta waxaynu ku hawlanahay horumarinta dalkeena iyo aqoonsi aynu ka helo dunida”,waxaanu intas ku daray “Dawlada Somalia iyo dadkeeda waxaynu ka rajaynaynaa inay garwaaqsadaan inaynu u tashanay masiirkii ummadeena xaqna u leenahay, mana jirto cid jujuubi kartaa”.

 


“Ictiraafka Maraykanku siiyay dawlada cusub ee Somalia, arintaasi ma aha wax Somaliland khuseeya mana aha wax cusub ee weligeedba dawlada Maraykan way Ictiraafsanayd Somalia balse waxay iminka agolaadeen maamulkan cusub. Anaguna kama xumin xasadna kuma nihin wixii dadka Soomaalida ukordhaya iyo inay nabadgelyo iyo horumar gaadhaan oo wax dhistaan”ayuu yidhi madaxweynuhu mar uu ka hadlayey aqoonsiga Maraykanku siiyey Somaliya, waxaanu sheegay in aanay aqoonsigaasi waxba ka bedelin xidhiidhkii Somaliland iyo Maraykanka ka dhexeeyey.

 

Isagoo ka hadlay dhawaaqii ingiriiska ka soo yeedhay waxa uu yidhi “Dawlada Ingiriiska waxaa inoo dhexeeyay xidhiidh soo jireen ah oo taariikhi ah, waxa inaga dhexeeyey iskaashi heer fiican marayay, waxaanse ka xumahay dhawaaqa arimaha dibedda kasoo yeedhay ee lagu sheegay in wadankan Somaliland ay ka jirto xaalad nabadgelyo xumo ahi, dhawaaqaasi muu ahayn mid u qalma oo ku haboon xidhiidhka labada wadan, waxaanan u arkaa mid lagu degdegay”.

“Qarankan waxaan usoo maray halgan dheer, waxaan usoo sabray wakhti dheer, waxaan u dhaartay dantiisa, waxaanan u hurayaa wax kasta oo suurtagal ah, waxaan idin waydiisanayaa taageeradiina. Waxaanad ku kalsoonaataan waayo aragnimadayda iyo aqoontayda siyasadeed in aanay maanta xaajo iseegayn, in aan qofna iga jeclayn in dalkan iyo dadkiisu wax noqdaan.”ayuu hdalkiisa raaciyey.

 

Madaxweynuhu waxa si gaar ah ugu mahadnaqay gudoomiyeyaashii ururadoodu hadheen ee aqbalay natiijadii doorashooyinka , sidoo kale waxa uu sheegay in aanu doonayn in hal maalin xilkiisa loogu kordhiyo marka ay mudaddu ka dhamaato, isagoo xusay in doorashooyinkii baarlamaanka iyo madaxtinimada mid waliba wakhtigeeda qaban doono.

 


Madaxweynaha ayaa markii uu baarlamaanka ka soo baxay waxa wadada ku hor sugayey boqolaal qof oo ka mudaharaadayey hadalkii Ingiriiska wax kaga sheegay amniga Somaliland, waxaanu madaxweynuhu la lugeeyey dadweynahaasi, taas oo halis galin gaadhay amniga madaxweynaha, isla markaana madaxdii la socday ay kala lumeen oo dadweynuhu kala dhexgaleen, taas oo keentay in mar dambe madaxweynaha dadkii laga dhex saaro, haseyeeshee markii gaadhiga la saaray ayey dadweyne qiiraysan garab yaaceen gaadhigii madaxweynaha, waxaana galinkii hore oo dhan wadooyinka raxan raaxan u socday dadweyne ka cadhaysan hadalka Dawladda Ingiriiska oo sitay boodhadh ka dhan ah dhowaaqaasi.


 

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online 

barkhadladiif@hiiraan.com

Hargeysa, Somaliland





Post your comments

2013-01-30 3:48 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Sidii aad la socoteen waxaa maalmihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa magaalada Brussels ee dalka Belgium madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo, kaasi oo martiqaad ka helay Madaxda sare ee Midowga Yurub.

2013-01-30 1:12 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Bay ayaa sheegaya in wiil dhalinyaro ah oo da’diisa 18 jir tahay, isla markaana laga magacaabi jiray Xasan Bilow Jirid ay rag hubeysan oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab ay kala degeen gaari uu la socday, kaddibna ay gowraceen.

2013-01-30 12:55 PM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in abaal-marin lacageed ay siinnayso ciddii gudbisa xog ku saabsan weerarro, qaraxyo iyo falal kale oo dhibaateynayo shacabka iyo xubnaha dowladda, iyagoo sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu adkanayo ammaanka dalka oo dhan.

2013-01-30 12:25 PM EST
Arbaco, January 30, 2013(HOL): Waxaa magaalada Baydhabo xalay soo weeraray kooxda Al-shabaab, waxayna soo weerareen fariisimo ay ciidamada ku lahaayeen meel u dhow Suuqa weyn ee xoolaha lagu iibsado, waxaan ay ku tuureen bambo gacmeed.

2013-01-30 11:17 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Farax Shir-doon (Saacid) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramda Midoobay ee arrimaha Siyaasada, Jeffrey Feltman iyagoo ka wada-hadlay arrimo ay ka mid yihiin, doorka ay Qaramada Midoobay doonayso inay ka ciyaarto geeddi socodka nabadda Soomaaliya iyo taageerada ay ka geysan karto arrimaha garsoorka, amniga iyo dib-u-dhiska dalka.

2013-01-30 11:16 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) — Hay’adda horumarinta iyo isku xirka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa ku qabtay hoteelka Palace City ee magaalada Muqdisho ku qabatay munaasabad ku saabsanayd furitaanka wajiga labaad barnaamij loogu magacdarey Tiiraanyo-bixin kaasoo muddo laba bilood ah ka socon doona degmooyinka gobolka Banaadir.

2013-01-30 8:27 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Aqoonyahanno, odoyaal, dhalinyaro iyo haween kasoo jeeda gobollada Jubooyinka ayaa shir ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku muujiyay dareenkooda ku aadan shirka maamul u sameynta Jubooyinka ee ka socda magaalada Kismaayo.

2013-01-30 7:52 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne oo bishii December ee sanadkii ina dhaafay 2012 hay’adda MSF Swiss joojisay gacantii ay siin jirtay, ayaa waxaa maanta gargaar gaarsiisay shirkada xawaaladda Amaana kadib markii ay codsi u soo gudbiyeen guddi la shaqeeya maamulka Isbitaalka.

2013-01-30 7:27 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Booliska dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaarayaan howlihii lagu xaqiijinayay ammaanka ee ay ka wadeen Muqdisho, xilli maalinimadii shalay qarax weyn uu ka dhacay nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

2013-01-30 7:13 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) – Wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa ku eedeysay maamulada ka jira gobollada dalka qaarkood in aysan xiriir wada shaqeyn ah la laheyn shacabka ay mas’uulka ka yihiin.

2013-01-30 7:11 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30 2013 (HOL) -- Wafdi heer wasiirro ah oo ka socda dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in uu dhawaan booqdo qeybo katirsan gobolka galgaduud xilli maalmihii ugu danbeeyay wafdi xildhibaanno ka kooban ay booqasho ku bixinayeen degmooyin iyo deegaano kala duwan oo katirsan gobolkaasi.

2013-01-30 7:03 AM EST
Arbaco, Jannaayo, 30, 2013 (HOL) -- Afhayeenka dhinaca howlgalada u qaabilsan xarrakada Al-shabaab Sheekh C/siis Abuu-musab ayaa ku hanjabay in ay sii wadi doonaan weerarada qaraxyada ah oo ay la beegsanayaan xarumaha dowladda Soomaaliya.

2013-01-30 6:23 AM EST
Arbaco, Jannaayo 30, 2013 (HOL) —Barnaamijka cuntada aduunka (WFP) ayaa howlo raashiin qeybin ah ka bilowday degmada Kismaayo oo ay ku noolyihiin dad badan oo kasoo barakacay gobollada dalka Soomaaliya islamarkaasina ay saameyn ku yeesheen abaarihii ku dhuftay Soomaaliya.