Hiiraan Online
Sunday, May 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Khamiis, Jan 3 , 2013
Ganacsatada Koonfurta Gaalkacyo oo Billaabay inay Dayactir ku Sameeyaan Jidadka burbursan ee Magaaladaas
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ganacsatada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, gaar ahaan Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka taliyo maamulka Galmudug ayaa bilaabay dayactir ay ku sameynayaan qaar ka mid ah wadooyinka magaaladaas oo burbursan.
Wadooyinkan oo aan helin wax dayactir ah labaatankii sano ee dowlad la'aantu jirtay ayaa waxaa haddana kaga sii daray roobab xooggan oo bartamihii sannadkii hore ka da'ay degmadaas, iyadoo dayactirkan ay soo dhaweeyeen shacabka iyo maamulka Galmudug.
"Dayactirka lagu sameynayo waddooyinka waxaa iska kaashanaya maamulka iyo ganacsatada deegaanka, inkastoo dhaqaalaha inta ugu badan ay bixinayaan ganacsatada," ayuu yiri mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya Koonfurta Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay ka mid ahayd magaalooyinkii ay saameynta adag ku yeesheen colaadihii iyo burburka dalka oo dhan ku habsaday, iyadoo Koonfurta uu soo gaaray burbur xooggan oo dhinaca dhismayaasha iyo waddooyinka ah.
Saraakiil u hadlay maamulka Galmudug ayaa sheegay in dayactirka waddooyinka ay ku yimaadeen wacyi-gelinno la sameeyay, kuwaasoo dadweynaha looga dalbanayay inay ka qaybqaataan horumarinta deegaankooda iyo dib u dhiska waddooyinka.
Gaadiidleyda kala duwan ee ku nool Koonfurta Gaalkacyo ayaa waxay muddooyinkii dambe ka cabanayeen dayactir la'aanta waddooyinka Gaalkacyo gaar ahaan halka uu ka talinayo maamulka Galmudug, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo dayactir noocan oo kale ah lagu sameeyo waddooyinka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Post your comments
C/llaahi Axmed Tarabbi oo loo doortay Guddoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed
1/3/2013 5:14 PM EST
Khamiis, January 03, 2013(HOL): Shirweynihii lixaad ee Guddiga Olambikada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Jaziira magaalada Muqdisho, iyadoo shirweynahanna uu ahaa lagu dooranayay hoggaanka sare ee guddiga olombikada Soomaaliyeed.
Video: Kulankii Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Britain
1/3/2013 3:07 PM EST
Video: Kulankii Wasiirada Arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Britain oo ka dhacay magaalada London
Wasiirradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Britain oo ku kulmay London
1/3/2013 1:16 PM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska, William Hague ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada London ee xarunta dalka Britain, waxayna kulankooda kaga hadleen xoojin xiriirka labada dal iyo arrimo kale.
Dalka Kenya oo ay ka dhaceen Saddexda Maalmood ee Sannadkan 2013 ugu horreeya shilal ay ku dhinteen dad badan
1/3/2013 6:51 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 40-qof ayaa ku dhintay shilal kala duwan oo ka dhacay dalka Kenya, kuwaasoo laba ka mid ah ay ka dhaceen gobolka Galbeedka Kenya ku yaalla ee Rift Valley kaddib markii ay wadayaasha gaadiidkaas oo ahaa basaska loo yaqaan matatuuga ay lumiyeen koontaroolka gaadiidka.
Rasaas dhimasho sababtay oo Al-shabaab ay ku furtay goob ay Xaflad Aroos ka socotay oo ku taalla Gobolka Hiiraan
1/3/2013 4:31 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Qof dumar ah ayaa ku dhimatay saddex ruux kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray kadib markii rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-shabaab ay rasaas ku fureen goob ay ka socotay xaflad aroos oo ku taal deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan galinkii danbe ee maalintii shalay.
Madaxweynaha Somalia oo kulan la qaatay Madaxweynaha Suudaan
1/3/2013 3:51 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Madaxweeynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’uud iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ku sugan dalka Sudan ayaa kulan la qaatay dhigiisa dalka Sudan Mudane Cumar Xassan Al-shabaab oo ay wehlinayeen xubno katirsan golihiisa wasiirada.
Wasiirka Ammaanka Puntland oo sheegay inay la dagaalamayaan Xoogagga Al-shabaab ee ku sugan Puntland
1/3/2013 1:41 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Wasiirka Amniga Puntland, Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa ka sheegay kulan uu kaga qaybgalay magaalada Boosaaso inay wadaan qorshe ay kula dagaalamayaan Al-shabaab oo uu sheegay inay kusoo jabeen kaddib markii looga adkaaday Koonfurta Soomaaliya.
Saraakiisha Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Gobolka Bay oo sheegay inay adkeynayaan Aammaanka Gobolkaas
1/3/2013 1:12 AM EST
Khamiis, Jannaayo 03, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciimada Itoobiya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay inay ka go’an tahay adkeynta ammaanka deegaannada uu ka kooban yahay gobolkaas.
Somali News
Alshabab Militants Blamed for the Death of one women at a wedding Cermony
-
HOL
1/3/2013 11:54 AM EST
One woman killed and three others seriously injured after Al-Qaeda linked Alshabab Militants opened fire at a wedding party.
Somali president on an official visit in Sudan
-
HOL
1/3/2013 11:44 AM EST
newsinsideNairobi, Kenya - Somali President Hassan Sheikh Mohamud is on an official visit in Sudan. The President, accompanied by senior officials of his government, was received by his Sudan......
Islamist extremists radicalizing Canadians at ‘a large number of venues,’ secret report reveals
-
NationalPost
1/3/2013 10:47 AM EST
Islamist extremists are now radicalizing Canadians at “a large number of venues,” according to a secret intelligence report released to the National Post under the Access to Information Act. While mosques with hardline imams are often singled out for spreading violent Islamist ideology....
ACC arrests Somali Trucker for bribing RDA officer
-
ZWatchdog
1/3/2013 10:32 AM EST
The Anti-Corruption Commission has arrested a Somali National for suspected corrupt practices involving KR3, 000, according to ACC public Relations Manager Timothy Moono.
Pakistan militant 'killed in drone attack'
-
Standard Digital
1/3/2013 4:31 AM EST
Senior Pakistani militant leader Mullah Nazir has been killed by a US drone strike in Pakistan, local security officials say.
Somali Journalists Still On the Edge
-
Daily Trust
1/3/2013 1:12 AM EST
About 20 journalists were killed in Somalia last year with most of the killers yet to be identified. A number of people who work in the media in Somalia migrate to neighbouring countries for fear of assassination. Mohammed Gawani, a Somali journalist living in Kenya recently attended an investigative journalism course in South Africa. In this interview with Daily Trust in Johannesburg, he says government has to investigate assault on journalists and prosecute perpetrators with a view to preventing further attacks. Excerpts:
2012 marks a historic year for Somalia
-
PressTV
1/3/2013 1:10 AM EST
For many Somalis the year 2012 will go into the history books as the year when Somalia elected its first democratic president in 43 years.
Sophia Abdi Nur: Political situation improving for Kenyan women
-
Sabahi
1/3/2013 1:06 AM EST
In 1997, Sophia Abdi Nur became the first woman in Kenya's North Eastern Province to vie for a political seat when she ran for parliament representing Ijara district.
Kenya thwarts terror attacks in coastal city during festive season
-
Xinhua
1/3/2013 1:00 AM EST
Kenyan authorities successfully managed to thwart possible terror attacks in the coastal city of Mombasa during the festive season as number of tourist soared due to lull in terror attacks in the tourism resort city.
Gulf of Aden Security Review - January 2, 2013
-
Critical Threats
1/3/2013 12:58 AM EST
Horn of Africa: Al Shabaab leaders flee Bardhere, Gedo region; Ethiopian court convicts ten al Shabaab militants; Puntland forces carry out security operations in Galkayo, Mudug region; Puntland forces carry out security operations in Garowe, Nugaal region; man wearing suicide vest arrested in Kismayo, Lower Jubba region; nighttime curfew imposed in Beled Hawo, Gedo region; election protestors killed in Hargeisa, Wooqooyi Galbeed region; al Shabaab responds to IGAD proposal on Twitter; al Shabaab leader in Middle Shabelle says al Shabaab will retake the region; Somali Parliament passes the 2013 budget; Garissa official blames recent terror attacks on TFG defectors; Arab League to give money to education development in Somalia; Somali President Hassan Sheikh Mohamud travels to Sudan; Somali Minister of State Farah Sheikh Mohamed travels to Saudi Arabia; Somali refugees are leaving Kenya and returning home; UN Special Representative Augustine P. Mahiga congratulates Somalia on its development in 2012