3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 28, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Talyaaniga u Qaabilsan Soomaaliya


Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Adrea Mazzela isagoo kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhaxeeya labada dalka.

Kulan qaatay muddo saacad ah kaddib ayaa waxaa saxaafadda si wadajir ah ula hadlay ra’iisul wasaare saacid iyo danjire Mazzela oo ka hadlay wixii ay kaga hadleen kulankooda.

“Sida aynu ka warqabno xiriir taariikhi ah ayaa ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga, waxaana aad uga mahadcelinaynaa taageerada hagar la’aanta ah ee dowladda Talyaanigu ay la garab taagan tahay Soomaaliya, waxaana soo dhaweynayaa xariirka u billaaban doona labada dowladood, isagoona ka duwanaan doona xiriirkii ka dhexayn jiray labada dal,” ayuu yiri Saacid oo intaas ku daray:

“Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay soo dhaweynayaan xiriirka hada billowday inuu noqdo mid miro dhalkiisu soo deg-dego. Si loo xoojiyo wadashaqeynta labada dalna waxaan ka codsanaynaa Talyaaniga inay soo dedejiyaan furitaanka safaaraddooda Soomaaliya.”

Sidoo kale, danjirah Talyaaniga u qaabilsan arrimaha Somalia ayaa sheegay dhankiisa in xiriir dhow ee dhex-mara labada dowladood uu yahay mid lagama maarmaan ah.

“Waxaan mahad-ballaaran u soo jeedinayaa sida wanaagsan ee ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ii soo dhaweeyay, waxaana balan-qaadayaa in dowladda Talyaanigu ka taageeri doonto dhinacyada, horumarinta gaashaandhigga, cadaaladda, waxbarashadda, caafimaadka iyo dib-u-dhiska dalka,” ayuu dhankiisa yiri danjire Mazzela.

Danjiraha Talyaaniga ayaa intaas ku daray inay xiriir siyaasadeed oo toos ah la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay ka go’antahay sidii loo xoojin lahaa xiriirkaas, sidoo kale safiirka ayaa ku aamanay xukuumadda Soomaaliya sida ay u muujisay wax-qabad la taaban karo boqolka maalmood ee lagu dhex-jiro.

Ugu danbayn, ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay in deeqaha Talyaanigu siiyo Soomaaliya loo maamuli doono si hufan oo miisaman,dowladuna ay si adag uga horjeeddo wax is daba-marinta, ayna billowday sidii gacan adag loogu qaban lahaaa musuq-maasuqa, waxaana dowladdu rajaynayaasaa in arrinkaas laga dareemo dhammaan dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/28/2013 8:03 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen shaqsiyaad ka shaqeeeya arrimaha bulshada Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa markii labaad lagu marti qaaday prof: Axmed Ismaaciil Samatar iyo Cali Khaliif Galeyr, oo labaduba ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya. Iyadoona ay madasha kulankan soo xaadireen in ka badan dad lagu qiyaasay sadex boqol oo ruux.

1/28/2013 7:30 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Ciidmada dowldda Soomaaliya ayaa howgallo ay kusoo qabqabteen xubno ay uga shakisan yihiin Al-shabaab ka sameeyay maanta xaafado ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee gobolka Banaadir.

1/28/2013 7:28 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa dood adag ka yeeshay xeerka takaaliifta (Adeegyada) madaaradda Somaliland, kuwaas oo qaarkood soo bandhigay lacago ay sheegeen in sifo sharci daro loo lunsaday, isla markaana miisaaniyadda Qaranka lagu soo darin.

1/28/2013 7:02 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Wasiirro ka tirsan xukuumadda Somalia ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyagoo kulammo la yeeshay waxgaradka gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo kala hadlay maamul u smeynta gobolladaas.

1/28/2013 6:36 AM EST
Isniin, Jannaayo, 28, 2013 (HOL) – Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM iyo ciidamo si gaar ah loo tababaray oo ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan la wareegeen sugida amniga Baladweyne waxaa is badal muuqda ku yimid nabad-galyada magaalada, taasoo keentay in ay dib u shaqo galaan goobihii danta-guud ee mudada dheer aan shaqeyn.

1/28/2013 6:18 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay baadhanayaan cabsida ay ingiriisku ka muujiyey nabadgalyada dalka, waxaaanay xuseen in aanay wax cabsi ah iyo nabadgalyo daro jirin oo ay nabadu ku jirto gacanta ciidamadda amniga.

1/28/2013 2:44 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Xafiiska arrimaha dibadda ee Britain ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda ku sugan Somaliland inay si dhaqso ah uga baxaan halkaas, kaddib markii ay soo baxeen sida warbixinta lagu xusay khataro cusub oo kusoo food leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan. Iyadoo naamulka Somaliland uu arrintaas ka hadlay.

1/28/2013 2:10 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan baaritaanno xooggan oo lagu ogaanayo dadka ka danbeeya dilalka magaalada Muqdisho loogu geeysto wariyeyaasha.

1/28/2013 12:40 AM EST
Isniin, Jannaayo 28, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka Midowga Afrika ee shalay ka furmay magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa ka dalbaday dalalka Afrika inay gacan siiyaan Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay beesha caalamka doorkeedana uu yahay mid aan la yareysan karin.