4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Ciidamada Ammaanka Dowladda Soomaaliya oo howlgallo ka sameeyay Qaar ka mid ah Degmooyinka Muqdisho

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa saaka waabarigii howlgallo ballaaran ka bilaabay qaar katirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona ay ciidamadu howlgalladaasi kusoo qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin Dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab.

Ciidamada dowladda oo isugu jira Nabadsugid, Boolis iyo Militari ayaa saaka waabarigii ku jarmaaday xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir,waxayna ciidamadu howlgalladaasi ku qabqabteen dad u badan dhalinyaro.

Taliyaha ciidamada booliska gobolka Banaadir Jen: Axmed Xasan Maalin oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaka aroortii ay howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo ka bilaabeen xaafado katirsan degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Masuulkani ayaa sheegay in xaafadaha ay howlgallada kasocdaan ay kamid tahay xaafadda Jamhuuriya oo uu xusay in maalmihii u danbeeyay laga soo sheegayay falal amni darro oo ay geystaan kooxo hubeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareysta, wuxuuna xusay in howlgallada ay ku qabqabteen dad badan oo looga shakisanyahay falalkaasi amni darro.

Ciidmaada nabdsugidda, Booliska iyo Militariga oo iskaashanaya ayaa maalmihii u danbeeyay howlgallo ballaaran ka waday degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir, waxaana howlgalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada ay dowladda Soomaaliya ugu jirto xaqiijinta ammaanka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore shaaca uga qaaday in mudnaanta koobaad ay siin doonto dhinaca nabadgelyada, waxaana tan iyo wixii waqtigaasi ka danbeeyay ammaanka Muqdisho uu noqday mid aad uga wanaagsan sidii hore, iyadoona ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay gudaha magaalada ka bilaabeen howlgallo maalin iyo habeen ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya