4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo Nabaddoon ku toogtay deegaan ka baxsan Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa gallinkii dambe ee maanta ku dilay deegaan lagu magacaabo Hargaanti oo 40-km ka baxsan degmada Bu’aale ee gobolka Jubbad Dhexe nabaddoon lagu magacaabi jiray Daahir Caydiid.

Inkastoo aan la ogeyn sababta keentay in nabaddoonka la dilo, balse warar laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in dhawaan uu dhexmarya isaga iyo mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab muran ku saabsan xoolo nool oo laga doonayay.

“Ninka la dilay waxaa toogtay rag bastoolado ku hubeysan markiibana way ka baxsadeen goobta, lama garanayo sababta keentay in la toogto nabad-doonkan,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa deegaanka uu dilku ka dhacay.

Xarakad Al-shabaab ayaan ka hadlin dilka nabaddoonkan maadaama ay ka taliso deegaanka uu dilku ka dhacay, waxaana nabaddoonka lagu wadaa in isla deegaankii lagu lagu aaso.

Ma ahan nabaddoonkii ugu horreeyay oo lagu dilo deegaannnada ku harsan gacanta Al-shabaab, balse dhowr jeer oo hore ayaa deegaannada ay weli ka taliso Xarakada Al-shabaab lagu dilay dad ay ku jiraan kuwo lagu eedeeyay inay la shaqeeyaan dowladda iyo ciidmada ku sugan Soomaaliya.

Gobolka Jubbada dhexe ayaa gobolka Keliya ee deegaannadiisa oo dhan ay ak taliso Al-shabaab oo sannadkii hore lumisay deegaanno badan oo ku yaalla gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya