4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 25, 2013
Hay’adda Nabadsugidda Qaranka Somaliya oo iska fogeysay inay lacago kusii daayaan dadka lagu soo qabqabto Howlgallada

Jimco, Jannaayo 25, 2013 (HOL) —Taliyaha hay’adda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin warar sheegaya in dadka lagu soo qabqabto howgallda laga sameeyo Muqdisho qaarkood lagu sii-daayo lacago.

Fiqi ayaa hadalkan ku sheegay mid kutiri-ku-teen ah loogana dan leeyahay in ciidamada dowladda lagu furo dacaayado aanay waxba ka jirin, isagoo sheegay inay mar walba u taagan yihiin sugidda ammaanka iyo ka hortagga kooxo uu ku sheegay inay nabadda kasoo horjeedaan.

“Warkan waa mid been abuur ah, ciidamadeennu waa kuwo sharaf leh, waxaana dad aan qabanno ku wareejinnaa maxkamadda ciidamada si sharciga loo horgeeyo,” ayuu Fiqi u sheegay idaacadda Bar-kulan ee xarunteedu tahay Nairobi.

Sidoo kale, taliyuhu wuxuu sheegay in shacabka Muqdisho ay gacan ku siiyaan sidii ay ciidamadu kusoo qaban lahaayeen dadka dambiyada galay iyo xubnaha ka tirsan Al-shabaab, isagoo xusay inaysan jirin dambiile lagu sii daayo lacag.

“Hay’addu waxay shaqaaleysay dhallinyaro kasoo goostay Al-shabaab, kuwaasoo gacan ka geysta soo qabashada xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee ku sugan gudaha magaalada si ay dhibaatooyin uga geystaan,” ayuu yiri taliyaha hay’adda nabadsugidda Qaranka.

Taliyuhu wuxuu intaas ku daray inay ka faa’iideystaan xogta ay xambaarsan yihiin xubnaha kasoo goosta Al-shabaab. Isagoo xusay in howgallada socda ay sababeen in ammaanka caasimadda Soomaaliya uu noqdo mid sidii hore kasoo raynaya.

Hadalka taliyaha nabadsugidda ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan warar sheegaya in dadka lagu qabqabto howgallada ka socda Muqdisho lacago lagu bedesho marka la geeyo xabsiyada ay hay’addu maamusho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya