3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaarihiisa oo ka Qayb-galay kulan lagu soo dhaweynayay Aqoonsigii Mareykanka

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo xubno wasiirro ah ayaa ka qaybgalay maanta Khamiis ah xaflad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay aqoonsigii Mareykanku siiyay dowladda Soomaaliya oo lagu qabtay hoteel ku yaalla Muqdisho.

Xasan Sheekh oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dowladda Soomaaliya la aqoonsado, wuxuuna xusay in taasi ay ku timid dadaal badan oo lagu bixiyay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dalka ka jiray.

“Beesha caalamku waxay aad uga hadleen isbaarooyinkii la qaaday, kuwaas oo dhibaatooyin badan ku haya shacabka, sidoo kale aqoonsigan wuxuu ku yimid waxqabadkii ay dowladdu la timid muddadii yareyd ee ay shaqeynaysay,” ayuu yiri madaxweynuhu ku sheegay khudbad uu goobta ka jeediyay.

Madaxweynuhu wuxuu soo hadal qaaday kufsiga ay ciidamadu geystaan isagoo sheegay in askarigii lagu helo fal kufsi ah ay ciqaabtiisu noqon doonto dil toogasho, wuxuuna sheegay in ciidamada aysan intooda badan ahayd kuwo dhibaatooyin kula kaca shacabkooda.

Isagoo ka hadlayay hay’adaha cadaaladda ayuu sheegay inaan loo baahnayn in shacabku ay laaluush siiyaan garsoorayaasha, taasoo sababi karta buu yiri in iyaga ay dhibaato ku riddo lacagtaas, waayo buu yiri garsoorihii lacagta ka qaatay inuu badbaadiyo ayaa lacag ku qaadan kara inuu ku been abuurto.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dhibaateynta suxufiyiinta isagoo carrabka ku dhuftay in dowladda Soomaaliya aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka suxufiyiinta Soomaalida loo geysto, isagoo xusay in qodobbadooda ay ka mid yihiin difaacidda xuquuqda hadalka iyo inay ka hor-tagaan musuqmaasuqa.

Dhanka kale, waxaa goobta ka hadlay isaguna ra’iisul wasaaraha oo si aad ah ugu dheeraaday waxyaabihii u qabsoomay dowladdiisa, wuxuuna xusay in dowladdiisa ay sii wadi doonto howlaha ay dib ugu soo celinayso amniga iyo horumarinta dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/24/2013 3:49 PM EST
Khamiis, January 24, 2013(HOL): Ururka Adal Unity & Development ee Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley ayaa maanta deeq raashina soo gaadhsiiyay Dhakhtarka dhimirka Boorama, deeqdaas oo ahayd lacag dhan $550 oo Dollarka maraykanka ah, taasoo loogu badaly raashin dhan 34 Kiish oo Bariis ah oo ay kiishkiiba ku jiraan 25Kg.

1/24/2013 3:45 PM EST
Khamiis, January 24, 2013(HOL): Olole Nadaafadeed oo ay soo qaban-qaabiyeen fulinayeena dawladda Hoose ee degmada Laascaanood ayaa laga fuliyay Isbitaalka dhexe iyo qaybo kale oo ka mid ah degaannada dadka ka dhexeeya ee ku yaalla magaaladda Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

1/24/2013 12:42 PM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegay Khamiista maanta ah inaysan Al-shabaab kala xaajoon doonin la-haystayaal dalkeeda u dhashay oo ay Al-shabaab ku goodisay inay dili doonaan muddo saddex toddobaad gudahood ah, haddii aanay xukuumadda Kenya sii-dayn muslimiin ku eedeysan argagaxisonimo oo ku xir-xiran xabsiyada dalkaas.

1/24/2013 7:52 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal xalay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray demada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe.

1/24/2013 7:12 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Laba askari oo ka mid h ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaas, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay isla weerarkaas.

1/24/2013 7:04 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada maamulka degmada Baladweyne iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa tababar uga furay magaalada Baladweyne ilaa 1000 maleeshiyaad ah oo marka danbe la doonayo in ay ka mid noqdaan ciidamada maamulka dowladda ee gobollka Hiiraan.

1/24/2013 7:04 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Magaalada Hargeysa ayaa maanta si weyn looga xusay dhalashadii Nebigeenii Maxamed (NNKHA) oo ku began taariikhdda Hijriyadda 12-ka Rabiicul Awal 1434.

1/24/2013 2:25 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay inay dilayso la haystayaasha Kenyanka ah ee ay gacanta ku hayso, haddi dowladd Kenya aysan xabsiyadeeda kasii dayn dhammaan dadka u xirxiran eedeymaha argagaxisonimada ee ku jira xabsiyadooda.

1/24/2013 2:24 AM EST
Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) — Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay inay si dhaqso ah kusii dayso wariye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim iyo saddex qof oo kale kuwaasoo u xiran arrin la xiriirta haweeney sheegtay inay kufsi u geysteen ciidamada dowladda Soomaaliya.