4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 24, 2013
Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Somalia oo lagu dilay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Dhexe

Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Laba askari oo ka mid h ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose sida ay saxaafadda u sheegeen saraakiisha ammaanka ee degmadaas, iyadoo mid kalena lagu dhaawacay isla weerarkaas.

Sarkaal u hadlay ciidamada ammaanka ee Afgooye ayaa saxaafadda u sheegay maanta in labada askari ee la dilay ay ahaayeen booliis iyo askariga kale ee la dhaawacay laga qaatay saddexdii qori ee ay haysteen.

“Weerarkan waxaa geystay kooxo Al-shabaab ka tirsan, waxaana laga soo abaabulay tuulo 30-km dhinaca koonfureed kaga beegan degmada Afgooye,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay ciidamada ammaanka degmadaas, isagoo intaa ku daray inay socdaan baaritaanno lagu raadinayo kooxahaas.

Goobjooge ayaa HOL u sheegay in askarta la dilay ay ku sugnaayen suuqa xoolaha ee degmada Afgooye, xilliga la dilayayna ay qaliyayeen, isagoo xusay in kooxaha dilay oo gaari TOYOTA ah watay ay markiiba goobta ka baxsadeen.

“Shan ruux oo watay gaari ayaa toogashada sameeyay, waxay si toos ah u toogteen saddexda askari, mid ayaa goobta ku dhintay, mid kalena wuxuu u dhintay dhaawac soo gaaray, kooxaha weerarka geysta oo hory u sii qaatay qoryihii askarta ayaa goobta ka baxsaday,” ayuu yiri goobjoogaha oo sababo dhinaca ammaanka ah u qariyay magaciisa.

Xarakada Al-shabaab ayaan ka hadlin toogashadaas, iyadoo goobjoogaha la hadlay HOL uu sheegay in kooxihii weerarka geystay ay sidoo kale horay u sii qaateen lacag ay ciidamadaas ka ururiyeen suuqa xoolaha Afgooye.

Degmada Afgooye oo 30-km ka xigta Muqdisho dhinaca Koonfur-galbeed ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkiii ay cidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya