4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Xulka K/Kolayga Soomaaliya oo 98—80 uga badiyay Xulka Burundi


Arbaco, January 23, 2013(HOL): Ciyaar aad u xiiso badneyd oo ay Xulalka Kubadda Kolayga Soomaaliya iyo Burundi isaga horyimaadeen ayaa gunaanadkeedii waxay natiijadu noqotay 98—80 dhibcood, taasi oo uu ku badiyay xulka qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

 

Xulka Qaranka Kubbadda Kolayga Soomaaliya oo ah mid aad isugu xiran, isla markaana ay ciyaartoyda aad isula qabsadeen ayaa waxay qeybtii hore ee ciyaarta la yimaadeen 50 dhibcood, halka xulka Burundina uu la yimid 40 dhibcood, halkaasina waxaa ka muuqata in xulka Soomaaliya uu badiyay isagoo weli ka gacan-sarreeya xulka Burundi.

 

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubbadda Kolayga, isla markaana ah madaxa wafdiga iyo ciyaartoyda taryankan  Saciid Faarax Ducaale oo gebagebadii ciyaarta la hadlay HOL ayaa sheegay in caawa ay xulkii labaad ka badiyeen, “Caawa shucuurteena aad ayay u kacsan tahay, waayo waxaan ka badinnay xulka Burundi, xalayna sida aad la socotaan waxaan ka badinnay xulka Kenya”ayuu yiri Saciid Faarax.

 

Xoghayaha guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga-Saciid Faarax Ducaale
Saciid Faarax waxaa uu intaas ku daray ciyaarta tan ku xigta oo semi final ah in  uu xulka Soomaaliya la yeelan doono xulka dalka Rwanda. Sidoo kalena wuxuu rajeeyay in ay ka badin doonaan xulka ay iska horimaan doonaan. “Ciyaartoyda xulka qaranka kubadda Kolayga Soomaaliya aad ayay isugu xiran yihiin awooddoodana waa mid muuqata sidaas darteed waxaan rajo ka qabnaa in aan xulka Rwanda isna ka badin doonno”ayuu mar kale yiri Saciid Faarax Ducaale.

 

Sida uu Xoghayuhu noo sheegay ciyaartoyda xulka Soomaaliya oo ka yimid dalalka USA, Canada, Australia iyo Somalia ayaa waxay yihiin kuwo calanka Soomaaliya difaacaya, isla markaana la soo baxay karti iyo ciyaar xirfadeysan, wuxuuna caddeeyay in haddii ciyaartoyda meteleysa qaranka Soomaaliya sidan oo kale la isugu xiro, isla markaana la tayeeyo ay natiijooyin wax ku ool ah keenayaan.

 

Guusha Xulka Qaranka Kubbadda Kolayga Soomaaliya ayaa waxay tahay tii labaad, wuxuuna xulku xalay ka badiyay xulka dalka Kenya oo uu uga adkaaday 81—78, waxaana rajo wanaagsan laga qabaa in ciyaartoyda Soomaaliya ay  natiijo wanaagsan ka keeni doonaan tartanka Fiba Zone V ee sanadkan lagu qabtay dalka Tanzania.




 


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]