3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Wasiirka Khayraadka Dalka oo Magaalada Istanbuul uga Qaybgalay shir looga hadlayay Deegaanka (SAWIRRO)


Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Khayraadka dalka ee xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa uga qaybgalay dalka Turkiga shir looga hadlayay deegaanka, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

Shirkan oo socday laba maalmood 21-kii iyo 22-kii bishan Jannaayo ayaa waxaa si aad ah looga hadlay horumarinta deegaanka caalamka, iyadoo madaxdii ka hadlay ay diiradda saareen wax-soo-saarka beeraha, khayraadka dhulka ku jira iyo weliba biyaha.

Wasiirka oo ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga ayaa intaas ku daray: “Labaatan sano kaddib Soomaaliya waxay hadda yeelatay dowlad rasmi ah, waxaana hor-yallaa fursado iyo howlo fara badan. Waxaan fahamsannahay in howlaha culus ee na horyaalla inay yihiin kuwii aan ku geli lahayn taariikhda, kuwaasoo kala ah: midnimada oo dib loo soo celiyo, kobcinta dhaqaalaha, sugidda ammaanka, dib u dhiska hay’adaha dowladda iyo barnaamijka dib loogu dhisayo dalka. Runtii, calaamadaha dib u soo kabashada dalka waxaa horay u dareemay shacabka Soomaaliyeed, iyadoo dad badan ay dib ugu laabteen dalka, gaar ahaan caasimadda, iyadoo uu dalka ka socdo dib u dhis xoog leh iyo dib u soo labaasho dhinaca dhaqaalaha ah.”

Mudane C/risaaq wuxuu intaas ku daray in dowladda Turkiga ay hormuud u tahay horumarka uu dalku ku socdo, kaddib markii uu bishii Ogoosto 2011 uu Muqdisho booqasho lama filaan ah ku tagay ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Isagoo xusay in weli Soomaaliya ay ka jirto xaalad khatar ah. Isagoo xusay inay ku sugan yihiin dalka Soomaaliya dhakhaatiir iyo Injineerro Turki ah oo wax ka qabanaya dalka.

“Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dajiyay lix qodob markii la doortay, kuwaasoo udub dhexaad ah u ah howlaha ay dowladdu qabanayso, waxaana ka mid ah: ammaanka, kobcinta dhaqaalaha iyo dowlad wanaagga, iyadoo qodobbadan ay aad u soo dhaweeyeen dadka Soomaaliyeed iyo baarlamaankooda. Waxaan horumar ka sameynay dhinaca ammaanka taasoo horseedday inay kumannaan qof dib ugu soo laabtaan dalka,” ayuu wasiirku ku sheegay khudbaddii uu shirkaas ka jeediyay.

Mar uu ka hadlay horumarinta deegaanka Soomaaliya wuxuu sheegay inay dajiyeen qorshe looga hortagayo xaalufka deegaanka, isagoo xusay inay mid cad tahay in dhaqaalaha dalka uu ku xiran yahay khayraadka dabiiciga ah ee deegaanka, waxaana ka mid ah: beeraha, xoolaha nool iyo kalluumeysiga oo saldhig u ah dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed ay ku tiirsan yihiin.

Sidoo kale, wuxuu hadalkiisa raaciyay in dagaalladii iyo sharci la’aantii jirtay labaatankii sano ee lasoo dhaafay waxay waxyeello xooggan u geystay deegaanka, kuwaasoo ay ka mid tahay sun lagu daadiyay xeebaha dalka oo saameyn ku yeelatay cunnada iyo caafimaadka. Wuxuua xusay in sidoo kale la dhirta laga dhigayay dhuxul dalka dibaddiisa loo dhoofiyo, taasoo xusay in loo dhoofin jiray dalal uu Imaaraadka ka mid yahay.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa ku sheegay in wasaaraddiisu ay qorshe cusub u dejisay badbaadinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufinta dhirta. isagoo ku daray hadalkiisa inay sameeyeen xog-ururin ku saabsan dhirta la jaray, taas oo ay nooga soo baxday inay saameyn xooggan ku yeelatay deegaanka. Wuxuuna xusay in wasaaraddu ay sidoo kale qorshaynayso inay furto iskuullo lagu barto badbaadinta deegaanka.

Dhanka kale, wasiirku wuxuu sheegay in wasaaraddiisu inay dajisay qorshe ay ku horumarinayso khayraadka dalka, isagoo xusay in qorshahoodu uu ka mid yahay inay dhiirrigeliso beeraha, maal-gashiga iyo suuq-geynta khayraadka dalka. Wuuxuu intaas ku daray in siyaasadaha deg-degga ah ee ay ka mid yihiin sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah, horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqashada xoolaha nool.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu ka mahad-celiyay kulanka cajiibka ah ee uu kaga qaybgalay dalka Turkiga iyo sida loogu soo dhaweeyay, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay in qodobbada shirkaas kasoo baxay ay noqon doonaan kuwo meel mara.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/23/2013 2:28 PM EST
Arbaco, January 23, 2013(HOL): Ciyaar aad u xiiso badneyd oo ay Xulalka Kubbadda Kolayga Soomaaliya iyo Burundi isaga horyimaadeen ayaa gunaanadkeedii waxay natiijadu noqotay 98—80 dhibcood, taasi oo uu ku badiyay xulka qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

1/23/2013 1:16 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha deeqaha bixiya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo hay’ad la socota deeqaha la siiyo dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu kulan madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirro ka socda dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ku dhexmaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

1/23/2013 1:15 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdigii wasiirrada ahaa ee Somaliland oo ku sugnaa degmada Saylac ee gobolka Selel ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti oo lagu tuhunsan yahay inay ka dhaqaaqi la’ayd arrinta Saylac ee laba wajiilaha noqotay waxayna socdaal dhulka ah kaga gudbeen wafdiga magaalada Lawya-caddo ee ku tuulla xuduudka kala qaybiya maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

1/23/2013 1:12 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay dagaallo khasaare nafeed geystay oo shalay ka dhacay deegaanka Xuddun oo dhinaca waqooyi 83-km kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxayna labada dhinac dagaalkaas ka sheegteen guulo.

1/23/2013 11:49 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Danjiraha Kenya ay u soo magacowday Soomaaliya, Josphat Maikara ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo warqadihiisa danjirenimo ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya.

1/23/2013 6:56 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah guddi hoosaadka ilaalinta hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa guddigaas iska casiley, isla markaana shir-gudoonka ku eedeeyey inay soo farog-eliyeen howlihii ay Qaranka u hayeen.

1/23/2013 6:47 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayay madaxweynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogey dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

1/23/2013 6:46 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan urur-siyaasadeedka Horseed ayaa gelinkii danbe ee shalay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso kulan kula qaatay, in ka badan boqol dhalinyaro ah oo ka kala socdey ururada bulshada iyo ardayda jaamacadaha.

1/23/2013 3:36 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland iyo ciidamadda khaatumo ayaa shalay galab dagaal muddo kooban socday iskaga hor yimid duleedka degmadda Xudun ee gobolka Sool.

1/23/2013 12:22 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay aroortii hore kusoo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho qaaday in ka badan hal toddobaad oo uu ku tagay Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya oo uu kaga qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka Carabta.

1/22/2013 11:57 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in wafdiga wasiirrada ka kooban ee ka socda Somailland ay shaaca ka qaadeen in arrinta ka aloosan degmada Saylac ay faraha kula jirto dowladda Jabuuti.

1/22/2013 11:31 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Dagaal xooggan ayaa ciidamada maamullada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray shalay gellinkii dambe Bariga deegaanka Xudun oo 83-km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.