4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu hoggaaminayay oo saaka dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho

Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay aroortii hore kusoo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho qaaday in ka badan hal toddobaad oo uu ku tagay Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya oo uu kaga qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka Carabta.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha xubno ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka, balse ma jirto wax war ah oo ay siiyeen saxaafadda.

Xasan Sheekh ayaa dalka Mareykanka kula kumay madaxweynaha dalkaas iyo xoghayaha arrimaha dibadda, iyadoo mas’uuliyiin dalka Mareykanka ay isla xilligaas ku dhawaaqeen inay aqoonsadeen dowladda Soomaaliya, taas oo ka farxisay xukuumadda rasmi ah ee Soomaaliya iyo maamullada taageersan.

Madaxweynaha ayaa wuxuu kula kulmay magaalooyinka Washington iyo Minneapolis jaaliyadaha Soomaalida, isagoo sharraxaad ka siiyay xaaladda uu dalk ku sugan yahay, wixii u qabsoomay iyo howlaha horyaalla.

Khudbooyin uu madaxweynuhu u jeediyay Soomaalida ayuu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dalka uu ammaan noqdo muddo gaaban gudaheed, ayna ka doonayaan qurbo-joogta Soomaalida inay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka iyo xasilintiisa.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaaray toddobaadkan magaalada Riyaad ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo uu uga qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada dalalka Carabta, kaas oo ay kasoo baxeen qodobbo ay ka mid tahay in dalalka Carabtu ay sameeyaan suuqyo xor ah iyo maal-gashi.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii loo doortay xilka madaxnimo ee Soomaaliya bishii September ee sannadkii hore wuxuu ku jiray safarro uu ku marayo dalalka gobolka iyo kuwa calaamka, si ay uga helaan tageero ku aadan wax ka qabashada xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada dib u dhiska, amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya