3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 23, 2013
Dagaal Xooggan oo Ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ku Dhexmaray Deegaanka Xudun ee Gobolka Sool

 Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Dagaal xooggan ayaa ciidamada maamullada Somaliland iyo Khaatumo ku dhexmaray shalay gellinkii dambe Bariga deegaanka Xudun oo 83-km dhinaca waqooyi ka xiga magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool.

Wararka laga helayo dadka degaanka ayaa waxay sheegayaan inaan laga war-hayn khasaaraha soo kala gaaray labada ciidan, inkastoo mas’uliyiin u kala hadlay labada dhinac ay ka sheegayaan guulo ay ka gaareen dagaalka.

Jaamac Cabdullaahi Diiriye oo ka mid ah dadka deggen tuulada Gorofley oo la hadlayay HOL ayaa sheegay in ruux rayid ah uu ku dhintay meel ku dhow deegaankaas, isagoo intaas raaciyay inay jiraan dad ay ciidamada Somaliland ka qab-qabteen tuulada Gorofley.

Taliyaha ciidamada Somaliland ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay ka qabteen Khaatumo 10-maxbuus, isagoo aan sheegin khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, halka mas’uul u hadlay maamulka Khaatumo uu sheegay in dhankooda uu kaga dhaawacmay hal askari, balse ay iyagu maxaabiis ka qabteen Soomaliland, sidoo kalena ay askar badan ka dileen. Wuxuuna ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay saddex qof oo rayid ah dileen kuwo kalena ay maxaabiis ahaan u qabsadeen.

Dagaaladda maamulladan ayaa ah mid la xiriirra dhinaca siyaasadda iyadoo maamulka Somaliland uu doonayo inuu gacanta ku dhigo deegaankii 60-kii ka hor la oran jiray Somaliland inta aan la gaarin wada xaajoodka ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, halka maamulka Khaatumo uu doonayo inaan la kala jarin dhulka Soomaalida; iyadoo dhinac walba uu dadaal ugu jiro sidii uu ku gaari lahaa hadafkiisa.

Laga soo billaabo bishii November ee sannadkii hore waxaa soo xoogaytay dagaallada u dhexeeya labada dhinac, kaddib markii maamulka Somaliland uu ciidammo xoog badan geeyay Xudun si ay uga dhacaan doorashooyinkii golaha deegaanka uga dhacaan Xudun, laakiinse Khaatumo ayaa diidday arrintaas, taasoo uu ka dhashay iskahorimaad khasaare geystay.

Sannadkan bilowgiisii dagaallada ka dhacay deegaannadan waxay ahaayeen kuwo joogto ah, iyagoo intooda badn ay ahaayeen duullaano habeennimo oo labada ciidan dexmari jiray xilliyada habenkii ah.

Illaa hadda ma jiraan isku-dayo ka imaanaya labada dhinac  si dagaalkaas loo joojiyo, lagamana yaabo in labada dhinac ay is-faham siyaasadeed isugu yimaadaan; taasoo dhibaato aad u daran ku haysa dadka reer guuraaga ah ee ku nool deegaannada lagu dagaalamayo.

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool













Click here
1/23/2013 2:28 PM EST
Arbaco, January 23, 2013(HOL): Ciyaar aad u xiiso badneyd oo ay Xulalka Kubbadda Kolayga Soomaaliya iyo Burundi isaga horyimaadeen ayaa gunaanadkeedii waxay natiijadu noqotay 98—80 dhibcood, taasi oo uu ku badiyay xulka qaranka Kubadda Kolayga Soomaaliya.

1/23/2013 1:16 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) —Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha deeqaha bixiya ayaa ku heshiiyay in la sameeyo hay’ad la socota deeqaha la siiyo dowladda Soomaaliya, kaddib markii uu kulan madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirro ka socda dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ku dhexmaray garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

1/23/2013 1:15 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdigii wasiirrada ahaa ee Somaliland oo ku sugnaa degmada Saylac ee gobolka Selel ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti oo lagu tuhunsan yahay inay ka dhaqaaqi la’ayd arrinta Saylac ee laba wajiilaha noqotay waxayna socdaal dhulka ah kaga gudbeen wafdiga magaalada Lawya-caddo ee ku tuulla xuduudka kala qaybiya maamulka Somaliland iyo Jabuuti.

1/23/2013 1:12 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Maamulka Khaatumo ayaa ka hadlay dagaallo khasaare nafeed geystay oo shalay ka dhacay deegaanka Xuddun oo dhinaca waqooyi 83-km kaga beegan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, waxayna labada dhinac dagaalkaas ka sheegteen guulo.

1/23/2013 11:49 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Danjiraha Kenya ay u soo magacowday Soomaaliya, Josphat Maikara ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, isagoo warqadihiisa danjirenimo ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya.

1/23/2013 6:56 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka mid ah guddi hoosaadka ilaalinta hantidda Qaranka ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa guddigaas iska casiley, isla markaana shir-gudoonka ku eedeeyey inay soo farog-eliyeen howlihii ay Qaranka u hayeen.

1/23/2013 6:47 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayay madaxweynaha Puntland oo maalmihii lasoo dhaafay booqasho ku joogey dalka Jabuuti ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxayna kasoo degeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

1/23/2013 6:46 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan urur-siyaasadeedka Horseed ayaa gelinkii danbe ee shalay xarunta gobolka Bari ee Boosaaso kulan kula qaatay, in ka badan boqol dhalinyaro ah oo ka kala socdey ururada bulshada iyo ardayda jaamacadaha.

1/23/2013 3:36 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland iyo ciidamadda khaatumo ayaa shalay galab dagaal muddo kooban socday iskaga hor yimid duleedka degmadda Xudun ee gobolka Sool.

1/23/2013 3:26 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Khayraadka dalka ee xukuumadda Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa uga qaybgalay dalka Turkiga shir looga hadlayay deegaanka, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.

1/23/2013 12:22 AM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saakay aroortii hore kusoo laabtay Muqdisho, kaddib booqasho qaaday in ka badan hal toddobaad oo uu ku tagay Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya oo uu kaga qaybgalay shir looga hadlayay horumarinta iyo kobcinta dhaqaalaha dalalka Carabta.

1/22/2013 11:57 PM EST
Arbaco, Jannaayo 23, 2013 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Saylac ayaa sheegaya in wafdiga wasiirrada ka kooban ee ka socda Somailland ay shaaca ka qaadeen in arrinta ka aloosan degmada Saylac ay faraha kula jirto dowladda Jabuuti.