4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 22, 2013
Guddoomiyaha Maamulka KMG Kismaayo oo sheegay inuu heer gabo-gabo ah marayo Maamul u sameynta Jubbooyinka

Talaado, Jannaayo 22, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, ahna guddoomiyaha kooxda Raaskambooni, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in la joogo xilligii maamul loo sameyn lahaa gobollada Jubbooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe, ayaa sidoo kale sheegay in muddo kooban kaddib lagu dhawaaqi doono maamulka Jubbooyinka, isagoo xusay inaysan maamuli karin Kismaayo ruux qabsaday iyo ruux loosoo magacaabay, balse maamulkii ay iyagu doonaan ay soo doortaan.

“Maamul u sameynta Jubbooyinka meel gabogabo ah ayuu marayaa, waana la joogaa waqtigii maamul loo sameyn lahaa Jubbooyinka, kaasoo ay IGAD soo wadday wakhti bandanna lagu bixiyay. Waxaana dowladda Soomaaliya u soo jeedinayaa inay timaaddo oo ay qayb ka qaadato maamulka gobollada Jubbooyinka loo sameynayo,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo u warramyay BBC-da.

Sidoo kale, mas’uulkan wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay qayb ka ahayd dhinacyadii abaabulay shirka maamulka loogu sameynayo gobollada Jubbooyinka, balse uusan garanayn wax isbedelay, isagoo intaas ku daray inaysan doonayn in Kismaayo ay dib ugu laabato dhibaatooyinkii soo maray labaatankii sano ee lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Raaskambooni wuxuu sheegay in guddigii ku dhawaaqi lahaa maamulka ay kormeer ugu maqan yihiin gobolka Gedo, waxaana filayaa inay kulammadooda kusoo gabgabeeyaan dhamaadka todobaadkan, markaas ayaana lagu dhawaaqi doonaa maamullka Jubbooyinka.

“Dadku waa inay isugu yimadaan halkan, waxaana diyaar u nahay dhamaan mas’uuliyiin iyo ciidanba inaan u hoggaansanno ciddii ay dadku doortaan; waa arrin aan ku doonayno inaan dib loogu laaban dhibaatooyinkii beelaha ku saleysnaa ee soo maray Kismaayo,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe.

Hadalka mas’uulkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli mas’uuliyiinta dowladda ay sheegeen inay dowladdu gacan ka geysanayso maamul u sameynta gobollada dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya