4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Madaxweyne xigeenka Somaliland oo Furay Qaybtii Labaad ee Mashruuc lagu Horumarinta Dowladaha Hoose ee degmooyinka

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qaybgalay  wejigii labaad ee mashruuc lagu horumarinayo dawladaha hoose ee degmooyinka Somaliland, kuwaas oo socday shantii sanno ee hore.

Mashruucan (JPLG) dawladaha hoose loogu tobabarayo qaabkay dadweynaha ugu shaqaynayaan iyo teyeynta xafiisyada dawladaha hoose, ayaa degmooyinkii laga hirgaliyey si weyn uga faa’iidaysteen, kuwaas oo mudadaasi lala shaqayneyey loo sameeyey maamul daajisan iyo adeeg fiican oo ay u sameeyaan dadweynaha macmiilka la ah.

Madaxweyne ku xigeenka Md: Cabdiraxmaan Saylici ayaa amaanay mashruucan ay dawladaha qaadhaan bixiyeyaasha ka caawiyaan Somaliland ee lagu dhisayo dawladha hoose sidii ay shaqadooda iyo adeega ay dadka u hayaan u tayeyn lahaayeen, dadweynuhuna uga faa’iidaysan lahaayeen.

Madaxweyne kux igeenku waxa kale oo ay hay’ada mashruucan bixinaya ka codsaday in saddex degmo oo kale loogu dari kuwaas oo kala ah degmadda Laascaanood, Ceerigaabo iyo Saylac, waxaanu intaas ku daray in 23 degmo ee kale ee Somaliland ka kooban tahayna la gaadhsiin doono mustaqbalka dhow.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Dr: Sacad Cali Shire, waxaanu sheegay in dawladaha hoose ee degmooyinkii ka faa’iidaystay mashruucan JPLG ay wax badan ka korodhsadeen, isla markjaana xoogga la saaray mamul daadajinta iyo kor u qaadadida hawlaha ay dadweynaha u hayaan.

Sidoo kale, waxa iyaguna xafladaasi ka hadlay wasiirka ku xigeenka arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe, Duqa caasimadda Eng. Yuusuf Warsame Siciid, Paul Crook oo Mashruucan u qaabilsan Ha’yada ILO Iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo dhamaantood amaanay mashruucan iyo waxtarka uu u leeyahay dadweynaha degmooyinkaasi  laga fuliyey.

Mashruucan JPLG (Joint programs for local governments) ayaa ah mashruuc lagu harumarinayo dawladha hoose oo socday muddo shan sanno ah, waxaana wajiga labaadna ka faa’iidaysan doono goleyaasha deegaanka ee cusub, kuwaas oo u baahan tobabaro iyo aqoon dheeraad ah oo ay ku maamulaan dawladaha hoose si dadweynaha iyo maamulka dawladaha hoose iskula jaanqaadi lahaayeen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland