4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Madaxweynaha Dowladda Somalia oo gaaray Saudi Arabia, halkaasoo uu uga Qayb-galayo Shirka dhaqaalaha Carabta

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan safar ku joogay dalka Mareykanka ayaa xalay gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Saudi Arabia, halkaasoo madaxweynuhu uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo dhaqaalaha dalalka Carabta.

Shirkan ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay dalalka Carabta isugu yimaadaan tan iyo sannadkii 2009, waxaana sannadkan lagu soo qaadi doonaa maalgeshiga iyo dhaqaalaha dalalka Carabta.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo ka mid ah xubnaha ka socda dowladda Soomaaliya ee sugan Sucuudiga ayaa sheegay in Soomaaliya ay Carabta u gubisay in laga caawiyo sidii ay ula soo bixi lahaayeen khayraadka dalkooda ku jira.

Sidoo kale, wasiirka wuxuu sheegay in shirkii hordhaca ahaa ee wasiirrada Carabta ay yeesheen looga hadlay ay u gudbiyeen in maalgeshi lagu sameysto Soomaaliya maadaama ay xaaladda dalka isbedeshay.

Dalalka Carabta ayaa lagu wadaa inay dib u eegis ku sameeyaan xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, kaddib markii Mareykanka uu aqoonsaday dowladda Soomaaliya oo ah mid rasmi ah oo dalka ka jirta tan iyo sannadkii 1991 oo la riday dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay dalka Sucuudiga inuu kulammo la yeesho madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Masar, Maxamed Mursi iyo boqorka dalka Sucuudiga Cabdalla Bin Cabdul-casiis.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya