4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 21, 2013
Haween ku nool Magaalada Ottowa oo deeq lacageed soo gaarsiiyay dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay Bannaanbaxyada

Isniin, Jannaayo 21, 2013 (HOL) —  Qaar ka mid ah haweenka kasoo jeeda gobollada Awdal, Selel iyo Gabiley ee ku noool magaalada Ottowa ee dalka Kanada ayaa deeq lacageed oo gaaraysa $2,260 doollar soo gaarsiiyay dadkii ku waxyeeloobay bannanbaxyadii ka kala dhacay degmooyinka Saylac, Boorama Iyo Lughaya.

Deeqdan lacageed oo uu wakiil ka ahaa guddoomiyaha shirkadda xawaalada Amal qaybteeda gobolladan, Axmed Maxamed Cabdullaahi (Axmed Ciraaqi) waxaana qaybinta deeqdan kala qayb-qaatay suldaan Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal.

Deeqdan lacageed ayaa si habsamiya loogu qaybiyay waxaana hadallo u badan mahadcelin kasoo jeediyay dhibbanayaashii deeqdan loo qaybiyay; waxayna Alle uga baryeen haweenkii soo dhiibay deeqda lacageed inuu ugu daro miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha.

Sidoo kale, waxaa iyagna halkaas hadallo mahadnaq iyo guubaabo u badnaa kasoo jeediyay Suldaan Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal iyo guddoomiye Axmed Maxamed C/llaahi (Axmed Qaahira); waxayna sheegeen in deeqdan lacageed ay ka timid qaar ka mid ah haweenka gobolladan kasoo jeeda eek u nool dalka Kanada si ay ugu taakuleeyaan walaalahooda dhibaateysan.

Degmooyinkan oo ka tirsan Somaliland ayaa waxaa ka dhacay sannadkii hore dhammaadkiisa mudaaharaadyo ka dhashay doorashooyinkii golayaasha deegaanka oo la isku khilaafay.

Rabshadahan ayaa waxay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dad fara badan, iyadoo si gaar ah degmada Saylac ay ciidamada Somaliland ku fureen rasaas dad dibadbaxayay, taasoo sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa waxay dadaal ugu jiraan xallinta rabshadihii ka dhashay doorashooyinka, taasoo beelaha deegaannadan qaarkood ay ku andacoonayaan in deegaannadooda laga shubtay codadkii doorashooyinka.

Khadra Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland