4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 2 , 2013
Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay

Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo iyo xubno golihiisa wasiiradda ah, ayaa saaka booqday askartii shalay dhaawacu ka soo gaadhay shilkii baabuur ee ka dhacay duleedka bari ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu soo kor meeray waadhadhka ay ku jiraan dhawacyadii askartaasi ka soo gaadhay shilkaasi baabuur, waxaanu qolka xaaladda degdega ahku booqday afar askari oo xaaladoodu culus tahay, kuwaas oo hawl-wadeenadda cisbitaalku ku hawlan yihiin dawayntoodda.

Sidoo kale, waxa madaxweynaha xaaladda dhaawaca askartu ku sugan yihiin  uga waramay agaasimaha guud ee cisbitaalka Hargeysa Dr: Axmed Cumar Askar oo sheegay inay ilaa xalay ka shaqaynayeen dhaawaca askarta, kuwaas oo xaaladooddu fiicantahay, marka laga reebo afar askari oo xaaladoodu adagtahay.

Sidoo kale, waxa isna aas qaran loo sameeyey askartii shilkaasi baabuur ku dhimatay, waxaana ka qaybgalay  madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylic, taliyeyaasha ciidamada iyo wasiirka Arrimaha gudaha iyo xildhibaanadda labadda gole ee Baarlamaanka iyo dadweyne badan.

Askartan ayaa lagu aasay duleedka waqooyi bari ee magaaladda Hargeysa gaar ahaan xabaalaha Naaso-hablood, waxaana halkaasi hadalo loogu tacsiyadaynayo askartaasi shaqada ka soo laabtay ee labadda gaadhi isku jiidheen deegaanka Haleeya ee duleedka magaladda Hargeysa, ka soo jeediyey madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiradii ka qaybgalay aaskaari, waxaanay ilaahay u baryeen inuu  ilaahay u naxariisto, inta dhaawacana ilaahay caafiyo.

Shilkan ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee askar badan waxyeelo kasoo gaadho, kuwaas masuuliyiinta ka qaybgashay wajiyadoodda laga dareemayey murugo aad u baladhaan iyo tiiraanyo, waxaana ku dhintay shan qof oo ay ku jireen laba shicib ah, halka toddoba iyo labaataan askari ku dhaawacmeen oo qaarkood xaalad culus ku jiraan.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland