3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 19, 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo magaalada Minneapolis kula hadlay dad ka badan 5 kun oo qofood

Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Mareykanka ayaa xalay kula hadlay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dadweyne Soomaaliyeed oo tiradoodu ahayd 5,000 oo qof.

Madaxweynaha ayaa ka jeediyay hoolka shirarka ee magaalada Minneapolis khubad socotay muddo 50-daqiiqo ah, taasoo uu kaga hadlay shan qodob oo waaweyn, kuwaasoo ku saabsanaa howlaha u qabsoomay dowladdiisa iyo kuwa horyaalla.

“Safarkii aan ku imid Mareykanka wuxuu kusoo dhammaaday guul, waxaana dowladda ugu weyn Adduunka ay albaabbada u furtay Soomaaliya, wayna aqoonsatay,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadalka uu ka jeediyay Minneapolis, isagoo intaas ku daray in aqoonsigan uu u horseedayo Soomaaliya inay dib ugu soo laabato saaxada caalamka oo ay muddo dheer ka maqnayd.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray inay booqdeen intii ay Mareykanka joogeen wasaaradaha gaashaandhigga iyo arrimaha dibadda, isagoo xusay in wasaaradda gaashaandhigga ay kala hadleen ammaanka labada dal.

“Afartii bilood ee dowladda aan madaxda u ahay jirtay waxaa la qaaday 60 isbaaro oo yaallay magaalada Muqdisho oo keliya, lagumana qaadin dagaal ee waxaa lagu qaaday nabadgalyo iyo wadahadal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay maamul u sameynta dalka, isagoo sheegay in dacaayado badan arrintaan laga fidiyay, sida inuu amaray in gobollada Bay iyo Hiiraan ay maamullo sameystaan, gobollada Jubbooyinka maamul loo sameynayo, taasoo uu ku sheegay inay tahay been la dhoodhoobay.

“Waxaa naga go’an in federaalka la gaarsiiyo dalka oo dhan, balse waxaa jira qodobbo ku saabsan habka federaalka oo uusan ka hadlayn dastuurka sida habka loo qaybsanayo khayraadka dalka, arrimahaas la xalliyo waxaan habka federaaliisimka gaarsiin doonnaa meel walba oo dalka ka tirsan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu madaxweynuhu sheegay in federaalka haddii aan lagu dhaqmayn uusa madaxsweyne kama ahayn dalka, waayo buu yiri aniga waxaa la igu soo doortay federaalka, isagoo xusay inay ka go’an tahay in dalka oo dhan ay gaarsiiyaan federaalka inta ay xilka hayaan.

Dhanka kale, madaxweynaha wuxuu ka hadlay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska ah u dhexeeya, isagoo xusay in dalalka dariska ah, sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti uu kala dhexeeyo xiriir wanaagsan, ayna sii xoojin doonaan xiriirradaas.

“Markaan ka hadalno Itoobiya 600-sano ku dhawaad ayaan dagaal ku jirnay, wixii hadda ka dambeeya waxaan billlaabaynaa nabad lagu wada-noolaado. Iyadoo labadan dalna ay si wadajir ah uga faa’iideysan doonaan khayraadka labada dal, waayo Webiyada Soomaaliya mara waxay ka yimaadeen buuraha Itoobiya, sidoo kalena Itoobiya bad ma lahan, waxaana naga go’an in mid walba oo naga mid ah uu ka faa’iideysto khaydka dalka kale,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri hadalkiisa.

Gobolka Minnesota ayuu sheegay inuu yahay gobolka ay ku nool Soomaalida ugu badan ee Mareykanka ku nool, isagoo xusay inay ka furi doonaan qun-suliyad u adeegta shacabka Soomaaliyeed ee Minnesota ku nool.

Intii ay socotay khudbadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa illinka hore ee goobta uu shirku ka dhacayay dibadbax ka sameeyay dad gaaraya 100-qof kuwaasoo kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay inuu ka xun yahay in dad Soomaaliyeed ay dibadbax ka dhigaan goob uu kula kulmayo Soomaalida, isagoo xusay inay uga wanaagsanayd inay gudaha soo galaan oo ay fikirkooda ka hadlaan oo aan is-dhageysanno.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minnapolis, Mareykanka













Click here
1/19/2013 12:10 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidammo booliis ah oo tiradooda ay gaarayso 160-askari booliis ah ayaa wuxuu tababar uga furmay maanta oo Sabti ah xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusamarreeb, tababarkaas oo socon doona muddo hal toddobaad ah.

1/19/2013 12:09 PM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla Koonfurta dalka Yemen ayaa maanta oo Sabti ah ku xukuntay saddex ruux oo Soomaali ah min 10-sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay inay afduubeen gacanka Cadan ka afduubeen dooni ganacsi.

1/19/2013 7:53 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Cabsi weyn ayaa saqdii dhexe ee xalay soo wajahay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaddib markii duleedka Koonfur-barri degmadaas uu dagaal xoogan oo muddo kooban ku dhexmaray ciidamada Somaliland oo halkaas fariisin ku lahaa iyo ciidammo taabacsan maamulka Khaatumo.

1/19/2013 7:40 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faraax Shirdoon (Saacid) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa soo dhaweeyay aqoonsiga ay dowladda Mareykanka aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sidoo kale ka hadlay dil shalay loogu geystay Muqdisho wariye iyo sidoo kale wariye kale oo xiran.

1/19/2013 7:21 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Boqollaal qoys oo dhawaan ka barakacay dagaallo iyo duqeymo jaziiradda Kudhaa ee gobolka jubada hoose ku dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada Kenya ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhibaateeysanyihiin deegaano ku dhow-dhow Jaziiradaasi.

1/19/2013 7:15 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa maanta howgallo lagu soo qabqabtay boqolaal qof ka sameeyay degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir. Iyadoo sidoo kale uu dowladda Soomaaliya isku soo dhiibay sarkaalkii amaanka degmada Jowhar ee Al-shabaab.

1/19/2013 2:45 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta ee Golis ayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Boosaaso ku wareejisey qaboojiye loogu tala galay in dadka meydka ah la geliyo.

1/19/2013 1:59 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo xoogagga al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka jubada hoose.

1/19/2013 12:02 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa cambaareyn dusha uga tuurtay dhibaatooyinka loo geysto haweenka oo ay ka mid yihiin kufsiga iyo guurka khasabka ah ee lagula kaco haweenka Soomaalida, iyadoo la sheegay in qofkii dambigaas lagu helo loo gudubin doono maxkamadda caalamiga ah si loogu ciqaabo dhibaatadii uu haweenka Soomaaliyeed u geystay.

1/19/2013 12:00 AM EST
Sabti, Jannaayo 19, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa la filayo inuu maanta uu soo xiro wada-hadal afarta maalmood qaatay oo uu ku joogo degmadda Saylac ee gobolka Salal kaddib markii lagu heshiin waayay doorashooyinkii golayaasha deegaanka ee halkaas ka dhashay sannadkii hore.