Hiiraan Online
Wednesday, June 19, 2013
Today from Hiiraan Online:
Home
Cheap Calls
Somali Music
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta-
Jimco, Jan 18, 2013
Ardayda Kuliyadda Sayniska ee Jaamacadda Hargeysa oo soo bandhigay hab cusub oo qashinka lagu yaraynayo
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL)- Ardayda jaamacadda Hargeysa gaar ahaana kuuliyadda cilmiga deegaanka, ayaa xalay soo agaasimay xaflad lagaga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo dhimi karo qashinka iyo sida looga faa’iidaysan karo,kuwaas oo ku qabsaday hoolka jaamacadaasi.
Xafladan waxa ka soo qaybgalay wasiirka Deegaanka iyo Harumarinta Miyiga, Maxamed Siciid Gacamay, Maayarka Caasimada Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, Guddoomiyaha Jaamacada iyo aqoonyahano dhanka deegaanka ah.
Ardayda Kuuliyada Sayniska, gaar ahaan qaybta deegaanka ayaa Munaasibadan ku soo bandhigay qorshe lagu yareyn karo qashinka dhibaatada badan ku haya deegaanka, waxayna aqoonyahankii Munaasibad joogay u soo bandhigeen fiidiyow tilmaamaya warshad yar oo qashinka sida bacaha iyo caagadaha u bedalaysa ashyaa muhiim ah sida dharka oo kale, waxayna ku taliyeen oo ay muhiim ku tilmaameen in la isku hawlo sidii dalka loo keeni lahaa warshadaasi, si bacaha iyo caagadaha deegaanka Somaliland meel walba yaala loogaga faa’ideysto.
Maxamed Cabdalle Xuseen oo ka mid ah ardayda fikradan hal abuuray, ayaa sheegay in hawshani bilow u tahay hami ay ku doonayaan in wixii ay barteen ay ugu bedalaan waxqabad muuqda.
“Safar aan dhawaan ku tagay halka dooxyadu biyaha kaga daraan badda ee Ceel-waaq, waxaan ku arkay waxyaabo aad ka murugoonayso oo ah caagadihii, bicihii iyo waxyaabo kale oo la mid ah, kuwaasi ku darsamaya badda, waxyeelana u geysanaya noolaha badda, waanad dareemi kartaa dhibaatada haysata deegaanka aynu ku nool nahay”ayuu yidhi Axmed Ibraahim Cawaale oo aqoon u leh arrimaha deegaanka oo halkaasi ka hadlay.
Prof Axmed Maxamed Cadaad, oo ah hormuudka kuliyada Sayniska, ayaa isaguna ka waramay taariikhda uu soo maray barashada cilmiga deegaanka ee Jaamacada Hargeysa,waxaanu sheegay inaanu shan sanadood ka hor jirin qaybtani, balse ay mudada kooban ee ay jirtay ardayda dhigataa ay sameeyeen horumar, waxaanu tilmaamay inay ku han-weyn yihiin sidii jaamacada loogu rakibi lahaa qalabka saadaasha hawada, isaga oo Maayarka iyo masuuliyiinta kale ka codsaday in wax lagala qabto.
Maayarka Hargeysa Eng Yuusuf Warsame Siciid, ayaa sheegay inay qorshayaashooda ka mid tahay sidii Hargeysa looga dhigi lahaa Caasimad qashinka ka caagan, gacantana ku hayaan mashruuc arintaasi la xidhiidha.
Wasiirka Wasaarada deegaanka Somaliland Maxamed Siciid Gacamay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisa ardayda, isaga oo tilmaamay in munaasibadani tahay tii ugu qiimaha badnayd ee uu ka qayb-gallo isla-markaana ay tahay mid khusaysa deegaanka iyo horumarintiisa oo isaga Wasaaradiisu qaranka u qaabilsan tahay.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland
Post your comments
Danjire Augustine Mahiga oo Cambaareeyay dilka Wariye Cabdi-xareed
1/18/2013 12:10 PM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine P. Mahiga ayaa si kulul u cambaareeyay dilka wariye Cabdi Hareed Cismaan Aadan kaasoo ay kooxo hubeysan ku dileen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigii uu horkacayay oo gaaray Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota
1/18/2013 12:04 PM EST
Jimco, Jannaayo 18, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Mareykanka ayaa gaaray maanta oo Jimco ah magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota maalin kaddib markii dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dowladda Soomaaliya kaddib labaatan sano oo colaado ah.
Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho la dejin doono meel ka baxsan magaalada
1/18/2013 11:40 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay ina y wado qorshe ay ku dooneyso sidii barakacayaasha ku dhaqan Muqdisho looga rari lahaa xerooyinka ay imika ku jiraan islamarkaasina loo dajin lahaa goobo ka baxsan magaalada.
MADAXWEYNE XASAN SHIIKH: “Aniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaa ku ballannay in aanan isku qabsan xukunka...” (SAWIRO)
1/18/2013 9:00 AM EST
Jimco, January 18, 2013(HOL): Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maalmahan ku mashquulsanaa kulamo uu la leeyahay madaxda sare ee dalka Mareykanka iyo deeq-bixiyayaal caalami ah ayaa waxaa uu xalay la hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Washington, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay munaasabadda ka qeybgaleen dad Soomaali ah oo ka kala tegay gobollada dalka Mareykanka iyo dalka Canada.
Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Gobolka Banaadir oo ka Warbixiyay Howl-gallada ay ka wadaan Magaalada Muqdisho
1/18/2013 2:36 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) -Taliyaha ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda ay ka wadeen degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.
Dableey hubeysan oo Wariye ka tirsan Idaacadda Shabelle ku toogtay Maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir
1/18/2013 2:09 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir.
Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo kulan Casho sharaf ah la qaatay Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Dowladda
1/18/2013 1:58 AM EST
Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan casho sharaf ah oo looga hadlayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka dalka isugu yeeray saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.
Somali News
Somalia's president in Minneapolis
-
MPR
1/18/2013 9:30 AM EST
ST. PAUL, Minn. — Somalia's new president on Friday will urge his Somali-born compatriots in Minneapolis to help rebuild their homeland.
Somali journalist shot dead; 1st this year
-
AP
1/18/2013 9:28 AM EST
MOGADISHU, Somalia (AP) Unknown gunmen shot dead a Somali radio producer on Friday, the first journalist to be killed this year, an editor with his Somali radio station said. Eighteen journalists were killed last year, making Somalia one of the most dangerous places in the world for journalists.
Somalia government tightens security crackdown
-
Reuters
1/18/2013 9:27 AM EST
Just before the mandate of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) is up for review, the Somali government arrested 790 suspects in a coordinated operation on Thursday as part of an extensive and ongoing crackdown.
Kenyan manufacturers eyeing Somalia market
-
The Star
1/18/2013 9:25 AM EST
KENYA'S business community is raring to venture into Somalia as soon as security threats are minimized to acceptable levels for investors to feel their businesses would survive.
More UPDF soldiers leave for Somalia
-
New Vision
1/18/2013 9:24 AM EST
Uganda Battle Group 11 commanded by Col. Joseph Balikudembe has departed for Somalia, replacing the departing UGABAG 9.
Statement by the Press Secretary on the Visit of The Somali President
-
White House
1/18/2013 2:15 AM EST
Statement by the Press Secretary on the Visit of President Hassan Sheikh Mohamud of Somalia to the White House This morning, President Obama joined a meeting between Assistant to the President and Deputy National Security Advisor Denis McDonough and Somali President Hassan Sheikh Mohamud in the Roosevelt Room.
$1B Later, US Claims Anti-Terror Victory in Somalia
-
ABC News
1/18/2013 12:53 AM EST
Four years and over $1 billion in U.S. support later, the Obama administration today claimed a victory in its war on terror in Africa by officially recognizing the government of Somalia, once a country overrun by al Qaeda-linked terrorists.
Returning diaspora triggers wave of land disputes in Mogadishu
-
Sabahi
1/18/2013 12:50 AM EST
Mogadishu is witnessing a wave of disputes over land ownership with the return of thousands of Somalis from the diaspora.
Somali president defends police handling of rape case
-
Alertnet
1/18/2013 12:49 AM EST
WASHINGTON, Jan 17 (TrustLaw) – Somalia has no tolerance for rape but the government will not intervene in a case decried by human rights activists where Mogadishu police arrested a woman who said she was raped by government forces and detained a journalist who interviewed her, its new president said on Thursday.
Try Congo or Somalia for long term potential, suggests demographics expert
-
Investment Europe
1/18/2013 12:46 AM EST
The link between demographic changes and economic development has been statistically proven over the past fifty years, suggesting it is a good starting point for trying to identify areas of faster growth and better investment return in future, according to Hans Rosling, professor of International Health at Sweden's Karolinska Institute, and co-founder of Gapminder.
Germany arrests alleged smuggler of stimulant qat
-
AP
1/18/2013 12:44 AM EST
BERLIN (AP) — German authorities say they've arrested a Somali man accused of organizing the transport across Europe of more than 7 tons of qat, a mildly addictive herbal stimulant that's popular in Somalia and Yemen but banned in many European nations.
US, Somalia launch new diplomatic ties
-
AAP
1/18/2013 12:43 AM EST
THE United States and Somalia have launched a new era of diplomatic relations, as Washington recognised the African nation's government for the first time since 1991.
Inside the Lives of Somali Pirates
-
New York Times
1/18/2013 12:41 AM EST
A documentary that yearns to be an adventure movie, “Stolen Seas” can’t resist drowning its invaluable insights in thundering, drum-heavy music and flashing visuals. Magnificent in its thoroughness and nuance, this dense, multifaceted study of Somali piracy really needs to settle down.