4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 18, 2013
Dableey hubeysan oo Wariye ka tirsan Idaacadda Shabelle ku toogtay Maanta Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir

Jimco, January 18, 2013 (HOL) - Kooxo hubeysan oo aan la heybtooda la aqoon ayaa saaka weeraray wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo u shaqeyn jiray idaacadda Shabelle xilli uu ku sugnaa suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Kooxahani oo la sheegay in ay baastoolado ku heybnaayeen ayaa wariyaha ku dhuftay dhowr xabadood, kuwaasoo ay kasoo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana wariye Cabdi xareed loola cararay isbitalka Madina halkaasoo uu ku geeriyooday.

Idaacadda Shabelle ee uu  ushaqeyn jiray marxuumka la dilay ayaa hawada ka maqan, waxaana wariyahani uu qeyb ka noqonayaa wariyeyaal dhowr ah oo u shaqeyn jiray idaacadda shabelle oo sanadii aynu soo dhaafnay lagu dilay gudaha dalka Soomaaliya.

Kooxaha dilka geeystay ayaa la sheegay in ay goobta isaga baxsadaan, ilaa imikana ma cadda cidda geysatay dilka iyo weliba sababta ka  danbeeysay.

Dilka Allaha u naxariistii wariye Cabdi xareed ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo sanadkan wariye loogu geeysto dalka Soomaaliya, iyadoona ay xusid mudantahay in isla bishan magaalada Muqdisho lagu xiray wariye C/casiis koronto, kaasoo ay xireen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay in uu baahiyay war been abuur ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya