4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 17, 2013
Madaxweyne Obama oo Aqalka Cad kula kulamay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Khamiis, January 17, 2013 (HOL) - Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa maanta Aqalka Cad kula kulamay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankaas kaddib ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kulan la qaatay  Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka (State Departement) halkaas oo si rasmi ah dowladda Mareykanka u ictiraaftay dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey dowladda iyo shacabka Mareykanka sida ay u garab taagnaayeen waqtigii ay ummadda Soomaaliyeed ku jirtay dhibaatada daba dheeraatay. Wuxuuna hoosta ka hariiqay in maanta oo ay taariikhdu tahay 17ka bisha January ay tahay maalin taarikh wanaagsan u ah xiriirka dowladda Mareykanka iyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in Dowladda Mareykanka ay Soomaaliya si dhow ula socotay xaaladda dalka Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay dowladdii hore ee Soomaaliya, wuxuuna xusay in doorka mareykanka uu yahay mid aan la illoobi karin oo ay dadka Soomaaliyeed xusuusan doonaan. Xiriirka labada dal ee soo jireenka ah ayuu sheegay in uu waa' cusub hadda u billowday kaddib muddo dheer oo ay Soomaaliya dowlad la'aan soo ahayd.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka khudbeeyay xaruunta CSIS ee magaalada Washington. Isaga oo warbixin ka bixiyey xaaladda guud ee dalka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay xaaladaha ammaanka, isagoo xusay in ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ay ku howlan yihiin sugidda ammaanka dalka, sidoo kalena wuxuu xusay in ay qaraar ka soo saareen wax ka qabashada dhibaatooyinka loo geysto dadka biri-ma-geydada ah, gaar ahaan haweenka oo dhibaatooyin badan oo uu kufsiga ka mid yahya loo geystay. Tallaabooyin arrinta kufsiga laga qaaday ayuu tusaale u soo qaatay in nin haweeney kufsaday la soo qabtay, sharciga la horgeeyay kaddibna la toogtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in dhismaha ciidan xoog leh oo hanta nabadgalyada dalka ay hortaagantahay cunaqabteynta ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Soomaaliya. Wuxuuna rajo ka muujiyey in cunaqabateyntaas la qaadidoon.

Madaxweynaha ayaa si weyn u ammaanay doorka dowladda Turkiga ee gacan-siinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in madaxda sare ee dowladda Turkiga ay si toos ah u taageerayaan Soomaaliya ayna ka fulinayaan mashaariic horumarineed oo adeegyada bulshada u badan, wuxuuna xusay in uu dhowr jeer ku soo noqnoqday Muqdisho Ra'iisal Wasaare ku xigeenka Turkiga oo kormeeraya sida ay u fulayaan mashaariicda ay dowladda Turkiga ugu deeqday Soomaaliya.

Dadka dembiyada loo soo xiro ayuu sidoo kale ka hadlay, wuxuuna sheegay in ay heli doonaan wixii ay sharciga hortiisa ka helaan, wuxuuna caddeeyay in isaga iyo madaxda kale ee dowladda iyo cid kasta oo dowladda ka tirsan aysan faragelin doono waaxaha cadaaladda ee dowladda. wuxuu caddeeyay madaxweynuhu madaxweynaha in aysan jiri doonin qof dembi galay oo dadka iska dhex socon doona.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in ay jaaliyadaha Soomaaliyeed in qayb ka qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya isaga xusay in hadda laga baxay ku-meel-gaarnimada oo hadda ay Soomaaliya tahay dowladda dhameystiran. "Dadka qurba-joogta ah waxay sugayaan in dalka uu amni noqdo kaddibna ay ku noqdaan, annagana waxaan dooneynaa in aad dalka ku soo noqotaan oo aad amnigiisa iyo dib u dhiskiisa ka shaqeysaan, marka labaas tee baa hormareysa"ayuu kula kaftamay dadkii uu kula hadlayay xarunta CSIS.