4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey Xubno dhawaan ka tanaasulay falalka Burcad-badeednimo


Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) — Ururrada bulshada rayidka Somalia ayaa munaasabad ay soo qabanqaabiyeen oo ay ka qaybgaleen waxgarad fara badan oo matalayay qaybaha bulshada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah fanaaniinta ayaa lagu soo dhaweeyay dhallinyaro dhawaan ku dhawaaqay inay ka tanaasuleen falalka burcadbadeednimada.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin dhawr ah kuwaasoo ku dheeradaay dhibatooyinka ay dhallinta Soomaliyeed ka dhaxleen colaaddii dalka ka dhacday iyo waxyaabaha ku kalifay falalka foosha xun oo ay ka mid tahay burcad-badednimada.

Batuulo Sheekh Axmed Gabale oo ah guddoomiyaha garab ka mid ah labada garab ee uu qaybsamay ururka haweenka Qaranka Soomaliyeed oo halkaas ka hadashay ayaa soo dhaweysay dhallinyaradii ka tanaalay falalka burcad-badeednimada iyadoo dhanka kale sheegtay in dhibaato walba oo xubnahaas ay geysteen ay tahay mid lagu kallifay maadaama ay waayeen xuquuqdii ay lahaayeen iyo howl ay nolohsooda ku debberaan.


Cabdi Imaan Sharmaarke oo isna hadal ka jeediyay munasabadda ayaa ku baaqay in maraakiibta shisheeye laga saaro xeebaha Soomaaliya isagoo ka codsaday beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii badda Soomaaliya ay ku noqon lahayd mid madaxbannaan, isagoo ku hanjabay inay dadka in badan oo ka mid ah oo uu isagu ku jiro ay hub qaadan doonaan si ay badda uga difaacaan maraakiibta shisheeye, wuxuuna xusay in maraakiib ka badan 200 ay boob joogto ah ku hayaan kheyraadka badda Soomaaliya taasoo uu sheegay inaan loo dul-qaadan karin.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddomiyaha golaha dhaqanka ee beelaha Muqdisho oo gabagabadii munasabada hadallo ka jeediyay ayaa taageero ugu baaqay dhamaman dhallinyarada Somaliyeed inay u istaagaan dib u soo-celinta sumcaddii luntay ee Soomaaliya iyo dib ay dhiska dalkooda.

“Laabtankii sano ee aan soo dhaafnay waxaan arkaynay dhallinyaro ka qayb-qaadata burburka dalkooda iyo dagaallada, hase ahaatee dhalinyarada kasoo laabtay burcadbadeednimada waa kuwii ugu horreeyay ee gartay inay qaladkooda kasoo laabtaan; kuwa kale ee weli aan garannaa waxaan ugu baaqeynaa inay ku deydaan,” ayuu Nabaddoon Xaad hadalkiisa ku daray.


Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo isaguna ka mid ah golaha odayaasha Muqdisho ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo intii kasoo shaqeysay in dhallinyaradaas ay ka tanaasulaan burcad-badeednimada oo uu ugu horreeyo maamulka Ximan iyo Xeeb.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay kulankaas xubno badan oo uu ka mida ahaa C/qaadir Ibraahim Gacal (Abkow) oo ah guddoomiyaha ururrada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed, kuwasoo uu sheegay inay ku faraxsan yihiin tallaabada ay qaadeen dhallinyarada ka tanaasulay burcad-badeednimada.

Dhawaan ayay ahayd markii hoggaamiye ka tirsanaa burcad-badeednimada Soomaalida iyo koox uu horkacayay ay ka shaaciyeen degmada Cadaado in ay ka tanaasuleen falalka burcad badeednimada ee ay ku jireen mar kalena aysan dib ugu laaban doonin.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya