4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 16, 2013
Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay xarigga Wariye Cabdicasiis Koronto oo Dowladda u xiran

Arbaco, Jannaayo 16, 2013 (HOL) —Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Shariif Sheekhunaa Maye ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho uga warbixiyay sababaha loo xiray wariye C/casiis Cabdinuur Ibraahim Koronto oo maalmihii ugu danbeeyay ay isa-soo-tareysay cambaareynta ku aaddan xariggiisa.

Taliyaha ayaa sheegay in wariyahani uu baahiyay warbixin aan xaqiiq ahayn taas oo ah kufsi ay ciidamo katirsan booliska Soomaaliyeed u geysteen haweeney kamid ah kuwa ku dhaqan kaamamka barakacayaasha ee ku yaal magaalada Muqdisho.A.Shariif_Sheekhuna.jpg

Taliyaha ayaa sheegay in baaritaanno dheer oo ay sameeyeen kadib ay ku ogaadeen in warkani uusan ahayn mid xaqiiqda ku saleysan islamarkaasina gabadha la sheegay in la kufsaday loo ballanqaaday lacag si ay u matasho in la kufsaday.

Haweeneydan  ayaa markii hore ciidamadii baarista waday u sheegtay in kufsiga loo geeystay uu ahaa mid xaqiiqo ah islamarkaasina ay kufsadeen ciidamo katirsan Booliska, waxayna sidoo kale sheegtay in ay u dacwootay horjoogaha kaamka Buurdhuuba oo ah halka ay sheegtay in ay ciidamadu ka kaxeysteen, islamarkaasina uu u sheegay in uusan waxba ka qaban karin, waxayna sheegtay in ay u tagtay gudoomiyaha degmada Hodan, isaguna uu u gudbiyay saldhigga booliska degmadaasi, halkaas oo ay sheegtay in looga qoray dacwad.

Haweeneydan oo imika xiran ayuu taliyuhu sheegay in ay qiratay danbigeeda islamarkaasina ay cadeysay waxyaalaha ku kalifay in ay sameyso war been abuur ah, wuxuuna yiri “Mar labaad luul waxay codsaday in ay u baahantahay in ay arinta wax laga weeydiiyay runta ka sheegto, waxayna cadeyn labaad ku bixisay in aan weligeed la kufsan, arintanna ay u samaysay sabab dhaqaale ayna ku dhiiri geliyeen gabadha lagu magacaabo Xaawo Pesano iyo weriye C/casiis,” ayuu taliyuhu warsaxaafadeedkiisa ku yiri.

Masuulkani ayaa sheegay in haweeneydani loo ballan qaaday in lasiin doono Kaar Aqoonsi oo ay raashiin iyo dhaqaale ku heli doonto hadii ay sheegto in ay tahay dhibane la kufsaday

“Wariyaha waxaa laga rabaa in warka uu gudbinayo uu ahaado mid xaqiiqo ku salaysan, taas oo aan ula jeedo in wariyaha qudhsiisa uu baare yahay, waxkasta oo uu tabinayana uu hubaasheeda hayo ama ay ahaadaan biyo kama dhibcaan,” ayaa lagu warsaxafaadeedka.

Taliyaha ayaa sidoo kale war saxaafadeedkiisa ku sheegay in arinta la xiriirta kufsiga loo geeystay haweeneydan oo uu taliyuhu ku tilmaamay in ay tahay mid been abuur ah ay  ku lug yeesheen dad badan oo imika xiran, kuwaasoo ay ka mid yihiin;  Luul Cali Cismaan, Xaawo Xasan Cali, C/risaaq, Wariye C/casiis iyo Muniira Max’ed Jeylaani oo u shaqeeysa hay’adda (SFCC), kuwaasoo uu taliyuhu sheegay in dhamaantood loo heysto in ay gacan ka geysteen sidii loo baahin lahaa warka ku saabsan kufsiga lagu eedeeyay ciidamada booliska ee loo geeystay haweeneyda.

Maalmihii u danbeeyay waxaa isa soo tarayay cambaareeyn kasoo yeereeysay ururrada saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah iyo hay’adaha xuuqul insaanka u dooda, taasoo ku aadanayn xarigga ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugidda u geysteen wariye C/casiis Koronto, kaasoo ilaa imika xiran islamarkaasina aan maxkamad lasoo taagin.

 Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya