4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland oo Magaalada Saylac kula kulmay Maanta Waxgaradka Beesha Ciise

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) —Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa maanta guda-galay xallinta khilaafyo daba-dheeraaday  ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada  Saylac.

Mudane Carraale ayaa kulan la yeeshay beeshii cabashada qabtay oo ah beesha Ciise, wuxuuna shirkaas ka qaybgalayla-tailyaha madaxweynaha  ee dhinaca arrimaha doorashooyinka iyo asxaabta Qaranka.

Kulankaas oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayaa waxaa ka qayb-galay xildhibaanno ka kala socdaaa baarlamaanka, guurtida, siyaasiyiin, wax-garad, cuqaal iyo oday-dhameedyo kasoo jeeda beesha degta gobolka Salal.

Sidoo kale, waxaa shirkan goob-joog ka ahaa barasaabka gobolka Salal, Nuur Cismaan Guuleed. Kulankaas oo gogol-xaadh u ah raadinta xal rasmi ah oo lagu mayro shaqaaqooyinkii dhawaanta ka dhacay degmada Saylac , waxaana ugu horreyn ka hadlay barasaabka gobolka Salal, Nuur Cismaan.

Barasaabka ama guddoomiyaha gobolka Salal oo kulanka kusoo dhaweeyay wasiirka ayaa carrabaabay inay caaqil iyo ciroole, salaadiin iyo siyaasiyii ay ka sugayaan hadalka wasiirka daakhiliga mudane Duur.

Sidoo kale, wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalka qaatay wuxuuna si duur xul ah uga warramay socdaalkiisa iyo natiijada uu filayo inay kulankaas ka soo bixi doonto.

Intaa kaddib beesha iyo wasiirku waxay galeen kulan ay albaabadu u xiran yihiin waxaana laga wada dhur-sugayaa maxsuulka ama natiijada kasoo baxdA kulankaas.

Magaalada Saylac ayaa saaka aad u xasilloon kaddib todobaadyadii lasoo dhaafay ee ay cakirnaantu ka jirtay, iyadoo iyadoo kulammada xalka lagu doonayo ay socon doonaan maalmo.

Khadro Xasan Maax, Hiiraan Online
[email protected]
Boorame, Somaliland