4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Machadka Heritage ee daraasaadka oo Xarun Cilmi-baaris iyo feker-curin ah ka furtay Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Machadka Heritage ayaa maanta xarun cusub oo cilmi-baaris iyo feker-curin ah ka furtay magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabadda furitaanka ay kasoo qaybgaleen xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, wasiirro, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo dadweyne kale oo lagu casuumay.

Machadkan ayaa la sheegay inuu soo saari doonaa warbixinno ku qotoma cilmi-baaris, isla markaa uu qaban doono dood-cilmiyeedyo iyo wacyi-galin.


C/raxman Caynte oo ah madaxa Machadka, horena u ahaan jiray suxufi ka tirsan taleefishinka caalamiga ah ee Al-Jazeera oo xafladda furitaanka ka hadlay ayaa yiri: “Dood is-weydaarsi la’aanta ka jirta jaan-goynta go’aammada siyaasiga ah iyo iyadoo uusan jirin cod Soomaaliyeed oo si wanaagsan u soo bandhigi kara aragti qaran ayaa qayb ka ah masiibada ku habsatay shacabkeenna.” Isagoo intaas ku daray in Machadku uu daloolkaas buuxin doona, isagoo sare u qaadi doona wacyiga shacabka ee ku beegan arrimaha ugu dhibka badan.”

Caynte ayaa intaas ku daray in Machadku uu talooyin la kala xusho siin doonaa dhinacyada go’aanka iska leh. Iyadoo Macadkan uu soo dhaweeyay madaxweynaha, Xasan Sheekh Maxamuud.


“Soomaaliya waxay u baahan tahay afkaar cusub, waxaanan rumeysan-nahay in Machadkani uu qayb ka qaadan karo hagaajinta dalkan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo horay u soo saaray warbixin uu kaga hadlayo machadka.

Warsaxaafadeed uu machadku soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Hadafka Machadka uu yahay mid dhiirri-galiyo dhaqan ku qotoma aqoon iyo cilmi-baaris. Si uu yoolkaas u abbaaro, Machadku wuxuu furi doonaa maktabado wax lagu akhristo, isagoo isla markaana qaban-qaabin doona carwo buugaag oo sanad walba lasoo bandhigo.”

 “Waxaan garowsannay inay waajib nagu tahay inaan hoggaaminno isbeddel xagga bulshada ah oo ku qotoma dhaqan cilmi-baaris,” ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi ku xigeenka madaxa Machadka, kana tirsanaan jiray hay’adda International Crisis Group.


C/rashiid oo  wasiir horena ahaan jiray ayaa sheegay in Machadku uu iskaashi la yeelan doono jaamacadaha dalka, isagoo xusay in iskaashigaasi uu horseedi karo qaran dhiska Soomaaliya.

Mas’uuliyiintii xafladda kasoo qayb-galay waxaa ka mid ahayd xildhibaannad, Caasha Xaaji Cilmi oo sheegtay iyadoo ku hadlaysay afka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa tiri: “Machadkan waxaa sameeyay dad Soomaali ah oo tayo iyo hufnaan lagu yaqaanno, waxay ka sameeyeen Soomaaliya gudaheeda, waxayna u sameeyeen inay ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isaguna munaasabadda furitaanka machadka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, wuxuuna intaas ku daray in mas’uuliyiinta machadka looga baahan yahay inay ku dadaalaan sidii aysan howshan u noqon lahayn mid dib u laabata.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya