4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 15, 2013
Maamulka Shirkadda Isgaarsiinta Nationlink oo Mamaaciishooda Raali-geliyay ka siiyay Cilad ku timid Isticmaalka Adeegga GSM-ka

Talaado, Jannaayo 15, 2013 (HOL) — Shirkadda isgaarsiinta Nationlink ayaa waxay ka raalli-gelinaysaa macaamiisheeda sharafta, gaar ahaan cilladii farsamo ee ku timid GSM-ka shirkadda qaybta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Warsaxaafdadeed kasoo baxay shirkadda Naitonlink ayaa lagu sheegay in ciladdan ay ahayd mid si lama filaan ah ku dhacday haddana la xaliyay, taasoo sababtay inay macaamiisha qaaliga ah ee shirkaddu waayaan adeega GSM-ka.

“Nationlink waxay u mahad-celineysaa dhammaan macaamiisheeda sharafta leh sida ay ug dul-qaateen xilligii ay shirkaddu ku howlanayd xallinta cilladda sida lama filaanka ah ku dhacday,” aya lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay shirkadda.

Isticmaalka taleefoonnada shirkadda Nationlink oo ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee dalka ayaa wuxuu hawada ka maqnaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay, iyadoo aysan macaamiisha isticmaala GSM-ka ama mobile-lada ay is-wici-waayeen muddadaas.

Ugu dambeyn, shirkaddu waxay sheegtay in macaamiisha ay si toos ah u isticmaali karaan taleefoonnada gacanta ama GSM-ka, iyagoo daminaya taleefoonkooda dibna u shidaya si ay u isticmaalaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya