4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 13, 2013
Guddoomiyihii Bankiga dhexe ee Jabuuti ee ku geeriyooday Nairobi oo Aas Qaran loogu sameeyey Jabuuti

Axad, Jannaayo 13, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii Baankiga dhexe ee Jabuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay lagu aasay magaaladda  Jabuuti ee dalka Jabuuti ka dib markii laga keenay Cisbitaal ku yaala magaaladda Nairobi oo uu ku geeriyooday.

Aaaska Marxuumkan waxa ka qaybgalay Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciiil Cumar Geelle, ra’isal wasaraha Jabuuti, wasiirrada iyo xildhibaannadda Jabuuti, sidoo kale waxa kala qaybgalay aaskaasi weftiyo kale oo ka yimid dalalka Jaarka.

Aaskan loo sameeyey gudoomiyihii hore Baanka dhexe Jabuuti waxa ka qaybgalay wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimah Dibada Somaliland Dr: Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ay la socdaan ilaa lix wasiir  iyo marwadda Kowaad ee Somliland Marwo:Aamin Weris, gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha Wakiiladda Md: Baashe Maxamed Faarax iyo xildhibaano ka kala tirsan labadda gole ee baarlamaanka, ganacsato iyo dadweyne kale.

Gudoomiyihi hore ee Baanka Jabuuti Marxuum Jaamac Xayd ayaa ahaa nin balaadhan oo ummadda soomaaliyeed aad u jecel, isla markaana waxa uu aad u taageeri jiray fanaaniinta Soomaaliyeed oo aad uga naxay geeridiisa, waxaana tacsi u diray abwaan Cabdi Qays, KHadra Daahir Cige, Shamis Abokor, iyo fanaan kale oo farobadan oo ku sugan magaaladda Hargeysa.

Alla ha u naxariistee Marxuum Jaamac Xayd oo muddo ku siman 15 sanno ahaa gudomiyaha baanka dhexe ee Jabuuti ayaa lagu xasuustaa isbedelkii balaadhnaa ee uu ku sameeyey horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, sidoo kale waxa u suurtogashay mudadii uu xilkaasi hayey mashaariicyo badan oo ay maalgashadeen tujaarta wadamada carbeed iyo kuwo kalaba, waxa kale oo uu ku guulaystay in lacagta jabuuti wax is bedel ahi ku iman, isla markaana lacagta faranka jabuuti ku biirto Sayladaha sarifka lacagaha dunida sida ay  ka warameen dad aqoon dheer u lahaa marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.

Madaxweynaha Somaliland Md: Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa Md: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa tacsi u diray shacabka reer Jabuuti iyo dawladoodaba, ilaahayna u baryey inuu marxumkaasi samir iyo iimaan ka siiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland