4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in ciidamada ka socda Ingiriiska aysan wax lug ah ku yeelan doonin howlaha Milateri


Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay ciidamada ay Xukuumadda Britain sheegtay inay u dirayso Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadaas aysan wax lug ah ku yeelan doonin howgallada milateri ee dalka ka socda.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ciidamada Ingiriiska ee dalka Imaanaya ay gacan tababarro siin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya si ammaanka dalka loo sugo, balse aysan jirin howl kale oo ay dalka u imaanayaan.

Wargeysyada kasoo baxa London ayaa qoray shalay in dowladda Ingiriiska ay sheegtay inay iskaashi milateri la sameynayso dalal ay Soomaaliya ku jirto, ayna koox yar oo ciidamadeeda ah u dirayso Muqdisho.

“Dowladda Ingiriiska waxaan kula heshiinnay inay tababarro siiso ciidamada Soomaaliya, sidoo kalena ay naga taageerto qalabeynta ciidamadeenna,” ayuu madaxweynuhu kaga jawaabay su’aal ku saabsan ciidamada Ingiriisku ay u soo dirayaan Soomaaliya oo ay weydiiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Qaahira oo uu xalay la kulmay.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in heshiiskan ay ka shaqeyn doonaan guddiyo fasamo oo ay labada dal u saarayaan turxaan-bixinta heshiiska oo uu sheegay inuu faahfaahin dheeraad ah u baahan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaas ku daray in ciidamadan aysan qayb ka noqon doonin dagaallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda Midowga Afrika kula jiraan Xarakada Al-shabaab oo dhulal badan laga qabsaday 18-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Ciidammo ka socda dalka Britain ayaa la sheegay in sannadkii hore si hoose u yimaadeen Soomaaliya, iyagoo dhinaca farsamada ka taageerayay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo xilligaas dagaallo adag kula jiray Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya