4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Maamulka KMG-ka ah ee Kismaayo oo sheegay inay dhawaan la wareegayaan Meelaha ay Al-shabaab ka joogaan Jubbooyinka

Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay socdaan dadaallo ay ugu jiraan sidii xoogagga Al-shabaab ay uga saari lahaayeen qeybaha ay uga suganyihiin gobollada Jubooyinka.

Gudoomiyaha maamulka KMG ee magaalada Kismaayo Sheekh Axmed Max’ed islaam (Axmed Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay wadaan diyaargarow aad u xooggan oo ay ugu jiraan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan gobollada Jubooyinka oo intooda badan ay gacanta ku hayaan dagaalyahannada Al-shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka Al-shabaab ay la kaashan doonaan ciidamada AMISOM ee ku sugan Jubooyinka, isagoona xusay in ujeeedadooda ay tahay in ay soo afjaraan awoodda Al-shabaab ay ku leedahay Jubooyinka.

Sidoo kale waxa uu ka cosaday dowladda Soomaaliya in ay ciidamada ku sugan Jubooyinka ka caawiso dhanka mushaaraadka iyo weliba saanadaha Militari.

Dhinaca kale Gudoomiyaha oo ka hadlay arinta maamul u sameynta Jubooyinka ayaa sheegay in maamulka loo dhisayo gobolladaasi uu ku iman doono rabitaan shacabka degan gobolladani, islamarkaasina ay dadku wax ku sameysan doonaan xuquuq siman oo ay leeyihiin, isagoona sheegay in kaalinta dowladda Soomaaliya ay tahay hogaaminta iyo fududeynta shirkaasi.

“Waxaan idiin sheegayaa oo qirayaa gobolkan Soomaali way dagantahay, Qabaa’illada Somaaliyeed baa wada dagan, ma rumeysni wax la yiraahdo Majority iyo Minority,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay.

Hadalkan kasoo yeeray gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli xoogagga Al-shabaab ay si buuxda gacanta ugu hayaan gobolka Jubada dhexe, iyadoona ay qeybo badan kaga sugan yihiin gobolka Jubada hoose oo intiisa badan ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya ee qeybta ka ah AMISOM.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya