4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 7 , 2013
Dowladda Jabuuti oo xabsiga u taxaabtay hoggaamiyaha Isbahaysiga MRD oo ka mid ah Axsaabta Mucaaradka Jabuuti

Khamiis, Feberaayo 07, 2013 (HOL) — Xukuumadda Jabuuti ayaa xabsiga dhigtay hoggaamiyaha isbahaysiga MRD ee dalka dalkaas, kaddib markii lagu eedeeyay inuu dowladda Eritrea ka dalbaday inay xoog ku gasho dalka Jabuuti si xukuumadda Geelle loo rido.

Daahir Axmed Faarax (Daaf) oo ah hoggaamiyaha la xiray ayaa iska diiday eedeynta, kaddib markii shalay oo Arbaco ahayd si hoose loo hor-geeyay maxkamad, waxaana isla shalay la loo dhaadhiciyay xabsiga weyn ee Jabuuti.

“Eedeymaha loo haystay Daahir Daaf waxaa lagu sheegay inuu dalka Eritrea warqad u qoray oo uu yiri gala dalka Jabuuti si xukuumadda loo rido, balse isagu waa diiday eedeyntaas, wuxuuna yiri anigu weligey sidaas maan oran,” ayuu yiri Zakariye C/llaahi Cali oo ah garsooraha u doodaya hoggaamiyaha xira oo u warramayay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da.

Sidoo kale, garyaqaanku wuxuu sheegay in horay loogu eedeeyay Daahir in lagu leeyahay lacag gaaraysa 3,500,000 oo Faran oo loogu xukumay markii uu dalka ka baxayay, taasna waxaa bixiyay taageerayaashiisa.

Hoggaamiyahan la xiray ayaa dhawaan kusoo laabtay Jabuuti oo lagu wado in 22-ka bishan Feberaayo ay ka billowdaan doorashooyinka baarlamaanka, taasoo loo ogolaaday inay mucaaradku ka qaybgalaan muddo 10-sano ka badan.

Xukuumadda Jabuuti kama aysan hadlin xariga hoggaamiyahan mucaaradka ah, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan xisbiyada mucaaradka ah ee ka qaybgalaya doorashooyinka baarlamaanka.

Mar garyaqaanka u doodaya hoggaamiyaha la xiray oo la weydiiyay waxay filayaan maalmaha soo socda ayaa sheegay in siyaasadda dalka Jabuuti ay garanayaan, eedeynta Daahir Daafna ay tahay mid la siyaasadeeyay, balse waxaan qoraynaa warqad aan ku codsanayno in lasii daayo.

Ugu dambeyn, garyaqaanka ayaa sheegay in sababta dhabta ah ee loo xiray hoggaamiyaha ay tahay inuu isku keenay shacabka Jabuuti, xukuumadduna ay diidan tahay in Daahir oo shalay yimid uu kasbado shacabka Jabuuti.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya