4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ku deeqay dhaqaale xirfado ganacsi loogu Abuurayo Haweenka danta yar (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Haweenka gobolka Banaadir, gaar ahaan labada urur ee SSWC iyo HINA ayaa maanta ku qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay deeq lacageed oo tabarucaad ah ku siinayeen haween dan-yar ah oo gaaraya illaa 30 si ay ugu shaqeystaan.

Guddoomiyaha ururka ilaalinta haweenka iyo caruurta ee SSWC, Aamino Xaaji Climi oo munasabaddaas ka hadashay ayaa sheegtay in lacagta la siiyay haweenkaas ay ahayd lacag Zeko ah oo uu bixiyay ganacsadaha Soomaaliyeed, Axmed Nuur Cali Jimcaale.

“Haweenkan waxaan kasoo kala ururinnay degmooyinka gobolka Banaadir; waxayna isugu jiraan kuwo dan-yar ah iyo qaar agoomo haysta intaan la siinin lacagta waxay qaateen tababar socday saddex maalmood oo sare loogu qaadayay aqoontooda ku saabsan ganacsiga, sida faa’iidada loo sameeyo iyo sida khasaarada looga digtoonaado, si ay ugu shaqeystaan lacagta la siinayo,” ayay tiri Aamino Xaaji Cilmi.

Soddonkii hawenka haweenka ee ka qayb-galay tababarka xirfadda ganacsi loogu abuurayay ayaa middiiba waxaa la gudoonsiiyay lacag gaareysa Soddonkii hawenka haweenka ee ka qayb-galay tababarka xirfadda ganacsi loogu abuurayay ayaa middiiba waxaa la gudoonsiiyay lacag gaareysa 500 oo doollar si ay ugu ganacsato nolol maalmeedka qoysaskoodana uga soo saartaan.

Guddoomiyaha SSWC Marwo Aamino Xaaji Climi ayaa kula dar-daarantay haweenkaas inay ka faa’iideystaan fursaddaas tababarka iyo dhaqaalaha lagu siiyay, ayna ka digtoonaadaan dhaqaalaha loogu deeqay oo aan ahayn dayn laga doonayo. Iyadoo xustay in bil walba ay kormeer ku tegi doonaan goobaha ay ku ganacsadaan haweenkan, haweeneydii la arko iyadoo horumar sameysaynna ay abaalmarin siin doonaa, isla markaana looga faa’iideyn doono fursadaha noocan oo kale ah.

Sidoo kale, waxaa munaasabaddaas ka hadlay haween badan oo ka tirsan kuwa gobolka Banaadir, waxaana ka mid ahaa, Caasho Shaacuur Ugaas oo ah guddoomiyaha haweenka horseedka nabadda iyo nolosha oo ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale uga mahad-celisay taageerada uu siiyay dumarka Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqday dadka kale ee Alle uu wax-siiyey inay ku daydaan ganacsade Axmed Nuur, gacanna siiyaan haweenka danta yar.

Haweenkii ka faa’iideystay dhaqaalaha iyo tababarka oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa ka mahadceliyay sida loo gacan-qabtay si ay noloshooda u maareeyaan, iyagoo balan-qaaday inay lacagtaas ugu ganacsan doona sidii loogu talo-galay, nolol maalmeedkoodana ka raadsan doonaan,.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda looga hadlay dhibaatada weli ku hayo gudniinka fircooniga ah haweenka qaarkood iyo sidii loo cirib-tiri lahaa; iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyay ka hortagga gudniinka fircooniga ah.    





Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya