4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Shirkii Dalalka Islaamka oo Qaahira si toos ah uga furmay


Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya
Wednesday, February 06, 2013

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb galay shirka Ururka Islaamka (OIC) oo ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doonaa madaxda dalalka Islaamka ee ka soo qeyb-galay shirka.Talaabadan ayaa qeyb ka ah aragtidda Madaxeynaha ee ku aadan xoojinta ay dowladda Soomaaliya la leedahay dalalka beesha caalamka. Dowladda Soomaaliya ayaa xooga saraysa in ay xiriir
wanaagsan la yeealto dalal fara-badan .

Waxaa kulankaan ku wehliyo Madaxweynaha R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Aadan,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir, iyo Wasiirul Dowlaha Wasaaradda Arimaha Dibadda Mudane Dr. Maxamed Nuur Gacal.