4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Ra’iisul Wasaaaraha Somalia oo meel fagaaro ah kula hadlay dadweyne kusoo dhaweeyay Magaalada Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, Feberaayo, 06, 2013 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi balaaran oo uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Wafdiga ra’iisal wasaaraha oo ay ka mid ahaayeen wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xusseen Guulleed, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi,wasiirka wasaaradda Kheyraadka C/risaaq Cumar Maxamed, wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta, boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka  C/shakuur Cali Mire, safiirka dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Dayib Dubad Rooble, xildhibaanno iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, iyo  saraakiisha ciidamada Jabuuti ee AMISOM.

Ra’iisal wasaare Saacid ayaa markii uu ka soo degan garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif waxaa loo gudbiyay xerada ugu weyn ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin duleedka magaalada, halkaasoo uu warbixino kaga dhageystay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo si kooban uga hadllay wax yaabihii ay qabteen mudadii ku sugnaayeen magaalada Baladweyne.

Intaa kadib waxaa uu ra’iisal wasaaruhu soo maray soona eegay fariisimihii dhawaan uu dagaallku ku dhaxmaray ciidamada dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab, waxaana uu warbixino ka dhageystay saraakiishii ku sugneyd saldhigyada oo uga warbixiyay ra’iisal wasaaraha sidii uu dagaallka ku bilaawday iyo habkii ay isku difaaceen ciidamada, isaga oo intaa kadibna u soo dhaqaaqay xarunta uu ka degan yahay magaalada guddoomiyaha gobollka Hiiraan oo waqti kooban lagu wada hadllay.

Hasse ahaatee arinta aadka u xiisa badan ayaa aheyd booqashadii wafdiga ee xeraadii hore ee Lama-galaay halkaasoo ay diyaar ku ahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo qeybaha bulshada oo isugu jiray haween, dhalinyarro, ardey, bahda Sportiga,, odayaal dhaqameed, iyo dadweyne ka kala yimid afarta xaafadood ee magaalada Baladweyne.

Waxaa uu ra’iisal wasaaruhu gacan qaaday inta badan dadweynihii goobta ku soo dhaweeyay oo wajiyadooda laga dheehan karay sida ay ugu faraxsanaayeen imaashiyaha wafdiga uu horkacayo ra’iisal wasaare Saacid.

Intaa kadib waxaa halkaa hadalo kooban ka jeediyay guddoomiyaha maamulka gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo uga mahad celiyay wafdiga booqashadooda, isaga oo ku war-galiyayin dadka ku dhaqan guud ahaan gobollka gaar ahaan magaalada Baladweyne yihiin dad u bisil dowladnimada kana sugaya mas’uuliyiinta sare in awooda dowladda lagu baahiyo dalka oo idil.

Waxaa intaa kadib hadllay safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubad Rooble oo ku dheeraaday sida ay dowladda Jabuuti mar walba u bar bar taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo sida uu sheegay xukuumada Jabuuti dadaal badan ku bixisay sidii ay u heli lahaayeen nabad waarta.

Wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/kariin Xusseen Guulleed oo hadal jeediyay ayaa sheegay in saacadaha soo socda si gaar ah iyo si guudba u wada hadlli doonaan qeybaha bulshada, waxaana uu uga mahad celiyay dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne soo dhaweynta ay u fidiyeen.

Ra’iisal wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo intaa kadib hadalka qaatay ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu hadalka u dhigay waxyaabihii uu ku arkay magaalada Baladweyne.

‘’Runtii ma qiyaasi karo sida aan u faraxsanahay, waxa aan ku arkay maanta magaalada Baladweyne ma’aha wax laga sheekeyn karo, ma u maleynayo in aan horay u soo arkay dadweyne sida u qurux badan ugu heelan dowladnimada, oo waliba meel fagaaro ah nagu soo dhaweeynaya,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Sidoo kale waxaa uu ra’iisal wasaaruhu sheegay in markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne dareenkiisu is badalay, waxaana uu carabka ku adkeeyay in halkii uu ka soo safray ee magaalada Muqdisho iyo Baladweyne wax farqi ah u dhaxeynin marka la eego jecelka dowladnimada.

‘’Wax yaabaha aan la yaabay waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan intii ay hadllayeen in mar kaliya xitaa aysan waxba ka codsan mas’uuliyiinta dowladda, taasoo muujineysa in ay yihiin maamul iyo shacab iyaga isku tashaday kana go’an tahay in ay soo celiyaan nidaamkii dowladnimo, iyaga oo aan cidna gacan weydiisan,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Waxaa uu ra’iisal wasaaraha dhinaca kale siweyn u amaanay ciidamada Jabuuti ee howlgalka u jooga magaalada Baladweyne oo sheegay in aysan aheyn kuwo ku eg uun howlaha militariga laakiin gacan buuxda ka geysanaya wax ka qabashada adeegyada bulshadu u baahan tahay, sida gargaarka bani’aadanimo iyo soo nooleyta kaabayaasha nolasha aas aasiga u ahaa.

‘’Xaqiiqdii nabad-galyada magaalada Baladweyne ka jirta maanta waa mid leysku haleyn karo, anniga shaqsi ahaan aad baan arintaa ula yaabay, waayo wax anan fileynin ayeey igu noqotay, waxaana leeyahay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waad mahadsan tihiin,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid.

Ugu danbeytii ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa uu koob gudoonsiiyay kooxda kubada cagta Kooshin oo ku guuleystay tartan dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne oo dhaxmaray kooxo ka dhisan afarta xaafadood ee magaaladu ka kooban tahay.

Sikastaba, socodaalka wafdiga uu horkacayay ra'iisal wasaare Saacid ay maanta ku tagaan magaalada Baladweyne ayaa ahaa mid ay ugu kuur-galayeen xaaladaha nabad-galyo iyo nolaleed ee ka jirta magaalada Baladweyne.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya