4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 6 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray Magaalada Qaahira halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shirka Ururka Islaamka

 Somali president Hassan Sheikh Mohamud
Arbaco, Feberaayo 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar, halkaasoo uu uga qaybgalayo shirka ururka Islaamka (OIC) kasoo ay kasoo qayb-galayaan 59 dowladdood oo Islaam ah.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiir u dowlayaasha wasaaradda arrimaha dibadda iyo madaxtooyada, la-taliyaha xagga amniga ee madaxweynaha, Cabdiraxmaan Sheekh Ciise iyo agaasimaha guuud ee madaxtooyada, Kamaal Daahir Xasan.

Shirka ururka Islaamka ayaa maanta oo Arbaco ah ka furmaya magaalada Qaahira waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu ka jeedin doonaan shirka warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo kaalmada ay caalamka ka doonayaan.

Dalalka Islaamka ayaa waxay shirkooda kaga doodi doonaan dhibaatooyinka ka taagan dalalka Islaamka. Waxaana si gaar ah diiradda loo saari doonaa arrimaha dalka Soomaaliya, Mali, Sudan iyo Suuriya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay socdaallo kusoo mareen dalalka Itoobiya oo uu kaga qaybgalay shirkii Midowga Afrika, dalka Belgium oo uu kula kulmay madaxda Midowga Yurub iyo dalka Ingiriiska oo uu kula shiray ra’iisul wasaaraha dalkaas iyo jaaliyadda Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safarrada madaxweynaha ay yihiin kuwo lagu xoojinayo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha calaamka.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya oo noqonayoa kii ugu dheeraa oo tan iyo markii la doortay uu dalka dibaddiisa ugu maqnaado, isagoo sidoo kale ay noqonayso markii ugu horreysay oo saddex dal uu isku maro isagoo aan kusoo laaban Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya