4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 3 , 2013
500 oo askari oo tababar loogu soo xiray Dalka Uganda

Axad, Febraayo 03, 2012 (HOL) - Waxaa maalinimadii jimcaha ee aynu kasoo gudubnay dalka Uganda tababar ciidan loogu soo xiray 500 oo askari, kuwaasoo bilooyinkii u danbeeyay uu tababar dhanka Militariga ah uga socday dalkaasi.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiim Xaaji Max'uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadan mudadii uu tababarka u socday la siiyay tababarro la xiriira sidii ay u difaaci lahaayeen dalka iyo dadka, wuxuuna xusay in todobaadyada soo socdo dib loogu soo celin doono dalka.

Masuulkani ayaa sheegay in tababarkani ay gacan weyn ka geeysteen ururka Midowga Yurub iyo dowladda Mareykanka, oo uu xusay in ay iyagu bixiyeen qarashaadkii ku baxay askarta loo soo xiray tababarka ciidanimo.

“Ciidankaasi marka ay kusoo noqdaan isbuucyada soo socda dalka, waxaan ugu talogalnay in aanu u furno tababar kale oo socon doona mudo 45 cisho ah,  oo la xiriira dhanka wacyi gelinta iyo wadaninimada iyo Dhishibiliinka iyo sida ugu wanaagsan oo ay u gadan karaan waajibaadkooda ciidan ee ay fulin doonaan,” ayuu masuulkani hadalkiisa raaciyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dib u dhiska ciidamadii xoogga dalka Soomaaliya, iyadoona dhawaan dowladdu ay ugu baaqday ardeyda dhameysay dugsiyada sare iyo jaamacadaha in ay isa soo diiwaangeliyaan si loo siiyo tababarro islamarkaasina uga mid noqdaan ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana maalmihii u danbeeyay isa soo tarayay ardeyda iyagu dooneysa in ay kamid noqdaan ciidamada dowladda kuwaasoo gaarayay goobaha la isku diiwaangeliyo ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ay xoogagga Al-shabaab kala wareegeen dhul ballaaran, wallow dagaalyahannada Al-shabaab ay weli ku xoogganyihiin gobollo badan oo katirsan koonfurta dalka Soomaaliya.

………………
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya