3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: “Aqoonsiga Dowladda Soomaaliyeed heshay waa heybad iyo sharaf u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed..."


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  iyo Marwadiisa Qamar Cali Cumar



Sabti, February 02, 2013(HOL): Waxaa goor dhaw ka billaabatay Hoolka Central Hall Westminster,xaflad si weyn loo soo qaabeeyay oo lagu soo dhaweynayo Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdigiisa oo beryahan ku sugnaa magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Xafladda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Soomaali kummanaan ah oo ku nool UK, kuwaasi oo hoolka uga soo xaariday in ay maamuus sarreeya u sameeyaan Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah R/Wasaare Ku Xigeenka, ahna Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalimiga Marwo Fawziyo Yusuf Adan,Wasiiru-dowlaha madaxtooyadda Faarax Shiikh Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka howlgash xafiiska  Madaxweyaha Soomaaliya.

Ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana ammaanka sugaya ciidamo gaar ah, kuwaasi oo sugaya amniga goobta iyo habsami u socodka xafladda, waxayna dadka u muuqdeen kuwo si weyn u daneynayay in ay arkaan madaxweynaha, isla markaana ay dhegeystaan hadalkiisa.

Caruur aad u da’ yar oo ku dhashay UK ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay ubaxyo, qaarkoodna waxay goobta ka jeediyeen suugaan ay ku cabirayeen waxa ay ka doonayaan dowladda Soomaaliyeed iyo madaxdeeda


Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Britain ayaa looga mahadceliyay xafladda ay soo agaasimeen, waxaana hadalkii jaaliyadda lagu sharfay Cabdi Cumar oo ka hadlay sidii isu howleen qabanqaabinta xafladda. Sidoo kalea waxaa loo mahadceliyay dhaliyarada dhaqdhaqaaqa la-dhagaallanka qabiilka ayaa iyana looga mahadceliyay kaalintii ay ku lahaayeen xafladda.

Cusmaa Jaamac Cali Kalluun ayaa ka hadlay xafladda wuxuuna sheegay in uu aad u faraxsan yahay, farxaddaasna ay ka keentay sida ay Soomaaliya tahay iyo sida caalamka la nooga doonayo, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya u dhisan ay tahay mid tayo leh oo dadka ku jiraa ay yihiin dad aqoon leh. “Adduunka wixii ka dhex dhacay waa iska illoobay, annaga waan iska illoobeynaa, waddamada Afrikana annaga ayaa ugu horreyn doonna”ayuu yiri Cusmaan Kalluun oo intaas ku daray in aysan jirin dagaal dhexmari doona Soomaaliya iyo waddamada la deriska ah.

Xafladda waxaa heeso ka qaaday fannaaniinta London, gaar ahaan fannaanadda Hibaaq Maxamed Geel-qaad oo fursad u heshay in ay madaxweynaha hortiisa ka qaaddo heesteeda caan baxday ee Madaxweyne, taasi oo dadkii hoolka xaadirka ku ahaa ay aad ugu jidboodeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii codbaahiyaha lagu soo dhaweeyay, wuxuuna ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweyntii ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK u sameeyay.

 

Intii uusan hadalkiisa billaabin ayuu madaxweynaha tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed oo uga tacsiyeeyay geeridii ku timid Suldaan Cabdi Cali Sokor oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, kaasi oo Nairobi ku geeriyooday, laguna aasay magaalada Kismaayo.

 


“Intaas kaddib waxaan aad ugu faraxsanahay in aan idin soo hor-istaago, Soomaaliya dalkeenii war idinkuma seegana, waddadii dheereyd ee aan soo marnayna waad ogtihiin, waxaase rajeyneynaa in aan halkii saxda ahayd uga dhaqaaqno halka aan taagan nahay” ayuu yiri Madaxweynaha oo Alle ka baryay in aysan ku noqon dhowr sano kaddib halkii sanado ka hor laga dhaqaaqay.

 

Madaxweynaha oo sii hadlayay waxaa uu yiri “Sanadkii 2012 wuxuu ahaa sanad wanaag iyo xummaanba watay, wax xummaan ah wey dhaceen oo dhibaatooyin baa dhacay, wax wanaag ahna wey dhaceen oo waxaan helay dowlad oo aan ku dhisannay dalka gudahiisa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya tan iyo markii ay xilka la wareegtay ay howlo badan qabatay, wuxuuna tusaale u soo qaatay Baarlamaaka. 

“Baarlamaanka Soomaaliyeed 46 kulan ayuu yeeshay tan iyo markii uu kalfadhigiisa furmay, howligii ugu horreeyay ee uu qabtayna isaga ayaa isnidaamiyay, isagoo ku dhinac waday barnaamijyadii ay xukuumadda horgeysay, kuwaasi oo uu ansiyay. Dad badan oo waxaa jira duruufihii lagu sugnaa 22kii sano dartood jecel in madaxda dowladda is-qabqabsadaan oo xukunka la isku khilaafo. Waxaan rabaa in aan hortiisa ka sheego Aniga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha waxaan ku heshiinnay in AAN isla riixno danta qaranka.

 


“Alle mahaddiis, maanta 22 sano kaddib waxaa heysannaa dowladd aan KMG ahayn, laakin dowladdan xitaa waxay qabaneysaa howlihii KMG ahaa waayo waxaa hortaalla in ay dalka u gudbiso dowlad xiriirrada ay caalamka la leedahay u sameysata sida dowladaha dhisan ee caalamka ka jira” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

 

Amniga ayuu sheegay in ay Dowladda Soomaaliya muhiimadda koowaad siineyso, “Qofka haddii uusan amnigiisa wel wel ka qabin ayuu ka fekeri karaa in uu shaqo aado oo uu raadsado wax uu cuno ama quutul-yoomkii, sidaas darteed ayaan go’aansannay in aan marka koowaad amiga wax ka qabanno, amni kaddib waxaa suurtagal ah in wax badan oo adduun iyo aakhiraba ah uu qofka u baahan yahay in uu sameysto”ayuu yiri Madaxweynaha oo sheegay in amniga tallaabta ku xigta ay tahay garsoorka waayo buu yiri haddii uusan garsoor jirin caddaalad ma imaaneyso. Kaddibna waxaa uu sheegay in qodobka seddexaad ay garteen in uu yahay la-dagaallanka musuq-maasuqa.

 

“Aniga, Ra’iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ma lihin ciidan aan howsha ku qabanno balse waxaan dooneynaa in aan shacabka abaabulno oo wax kasta aan ku qabanno iyadoo dadka gacmaha is-heystaan. Sida aad la socotaan Muqdisho waxaa laga qaaday Isbaarooyin badan oo iyadoo aanu dhiig ku daadan. Sidoo kale Ciidamada Dowladda ayaa markii ugu horreysay xeryo looga sameynayaa Muqdisho, si ciidamada haddii aysan howl ku jirin ay xerada uga soo tagaan qoryahooda”ayuu yiri Madaxweynaha oo sugidda amniga ka hadlayay.

 


Doorka Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayuu ka hadlay madaxweynaha, wuxuuna caddeeyay in beesha caalamka ay Soomaaliya taageereysay xilligii dowlad la’aanta, wuxuuna xusay in dad badan oo samafal u tegay Soomaaliya la laayay, wuxuuna ugu baaqay Soomaalida in aaney dhibaatada Soomaaliya u saarin dad kale balse ay Soomaalida mas’uuliyadda qaataan, isla markaana ay xalka si dhab ah u raadiyaan.

 

Dhalinyarada Shabaabka ku biirtay ayuu ka hadlay Madaxweynaha, wuxuuna u kala qaaday seddex qeybood oo kala ah: qeyb u gashay nolol, qeyb u gashay in ay ku aargoosato iyo koox mabda’ ahaan u galay oo laga dhaadhiciyay wax aan jirin, wuxuuna seddexba sheegay in ay yihiin dhalinyaro markii dowladdii hore dhaceysay jiray 5 illaa 10 sano.

"Wax kasta waan soo marnay, wax  na qaado ma lahan, waxaa na qaada calanka buluugga ah ee shanta gees leh, waxaana u baahan nahay in aan is-ogolaanno oo midnimo la nimaado. Adduunka haddii aad doontaan in aad u safartaan qaarkiin waxaa laga yaabaa in ay idinka xigto in aad tikidh kaliya goosataan, halka aniga aaney sidaas iigu sahlaneyn, laakin mar walba waxaa tihiin Somali-British, meel kasta oo aad tagtaanna waxaan tihiin Soomaali"ayuu yiri madaxweynaha oo Soomaalida u iftiiminayay in ay dal leeyihiin uuna wax u qabasho ka sugayo.
 

Aqoonsiga Dowladda Soomaaliya ayuu ka hadlay Madaxweynaha, wuxuuna sheegay in wanaagga iyo aqoonsiga ay Soomaaliya heshay aysan cid gaar ah dhibaato ku ahayn. “Aqoonsiga Dowladda Soomaaliyeed heshay waa heybad iyo sharaf u soo hoyatay dadka Soomaaliyeed deegaan kasta oo ay degan yihiin, aqoonsigaasna ma noqon doono mid dad gaar ah lagu riixo oo culeys diblumaasiyadeed lagu saarayo. walaalaha Soomaaliyeedna waxaan leenahay na siiya fursad aan idinku soo gaarsiinno wanaagga aqoonsiga dowladda Soomaaliya ay heshay ” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo la gunaanadkii xafladda la guddoonsiiyay gunaanado ay soo diyaariyeen Dhaqdhaqaaqa la-dagaalanka qabyaaladda, kuwaasi oo ay ku qornaayeen hal-ku-dhigyo ay ka mid ahaayeen QABYAALAD MAYA QORI MAYA, QARAN HAA QALIN HAA.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu kulan la qaadan doonaa Maalinta Isniinta ah ee soo socota Ra’iisal Wasaaraha Britain Mr. David Cameron oo martiqaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya.














Ibraahim Baafo iyo  Salaad Xiis, Hiiraan Online
[email protected]     [email protected]  













Click here
2/2/2013 2:53 PM EST
Sabti, February 02, 2013(HOL): Isu soo bax lagaga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya isla markaana lagu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed inay tahay mid lama taabtaan ah ah ayaa lagu qabtay magaaladda Buuhoodle gobolka Cayn.

2/2/2013 11:32 AM EST
Sabti, February 02, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

2/2/2013 8:08 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horaysay ciidamadda Somaliland ee kala duwan siiyey darajooyin, waxaanay noqonaysaa muddo 22 sanno ka dib inay somaliland qaybiso darajooyinka ciidanka, kuwaas oo ku qaadan doona mushaharkoodda, isla markaana miisaaniyadda sanadkan lagu daray in mushaharka lagu siiyo sarkaal waliba darajadda uu sito.

2/2/2013 8:05 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ka qaadanaya cunno-qabteynta hubka ee saaran Soomaaliya 21-kii sano ee lasoo dhaafay, si dib loogu dhiso ciidamada xoogga dalka oo dagaal kula jira xoogagga Al-shabaab.

2/2/2013 7:18 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dib u dhigtay manta dacwadda loo haysto shan ruux oo ku eedeysan inay ka been abuureen ciidamada dowladda, kuwasoo ay ku jiraan wariye Koronto, haweeney sheegtay inay kufsadeen ciidamada dowladda iyo saddex ruux oo kale, kuwaasoo uu ku jiro sayga haweeneyda la kufsaday.

2/2/2013 7:14 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Suldaan Muuse Faarax Muuse oo ahaa suldaanka guud ee beelaha Ugaar Saleebaan, ayaa barqanimadii maanta lagu toogtey bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/2/2013 6:59 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa dhaq dhaqaaqyo militari ka wada deegaanno hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

2/2/2013 6:52 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in xukumaddu wado qorshe ay kor u qaadayso wax soo saarka dalka si looga baxo cuntadda dibadda laga keensaddo.

2/2/2013 6:51 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Buug cusub oo lagu soo koobay taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed ayaa xalay lagu soo bandhigay hoolka hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somailland.

2/2/2013 2:20 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar banbaano ku qaaday saldhig ay ciidamada Booliska Soomaaliyeed ku lahaayeen degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, iyadoona weerarkaasi uu sababay dhaawaca sedex qof oo laba kamid ah ay katirsanyihiin ciidamada dowladda.

2/2/2013 1:15 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa sheegtay in duqeyn diyaaradeed oo ay ka geysatay gobolka Gedo ee Koonfurta dalka Soomaaliya ay ku dishay tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena ay ku burburisay gaadiid dagaal iyo kuwo xamuul.

2/2/2013 12:56 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somailand, Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in heegan buuxa la geliyay ciidamada Somaliland, si loo adkeeyo ammaanka guud ee deegaannada uu maamulka Somaliland ka taliyo.

2/2/2013 12:45 AM EST
Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan dalka Britain ayaa ugu baaqay Soomaalida dibadaha ku nool inay dib ugu laabtaan dalkooda, si ay uga qaybqaatan dib u dhiska dalka iyo sugidda ammaankiisa.