4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Madaxweynaha Somaliland oo markii ugu horreysay Ciidamada kala duwan ee Somaliland siiyay Darajooyin

abti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa markii ugu horaysay ciidamadda Somaliland ee kala duwan siiyey darajooyin, waxaanay noqonaysaa muddo 22 sanno ka dib inay somaliland qaybiso darajooyinka ciidanka, kuwaas oo ku qaadan doona mushaharkoodda, isla markaana miisaaniyadda sanadkan lagu daray in mushaharka lagu siiyo sarkaal waliba darajadda uu sito.

Madaxweynaha ayaa ka qaybgallay sanadguuraddii 19aad ee aasaaskii ciidanka Milatariga Somaliland oo ku beegan 2 Ferbraayo, waxaanu madaxweynuhu sheegay inuu noqdo madaxweynihi u horeeyey ee bixiya darajooyinka ciidamadda oo tan iyo markii la aasaasay ciidankaasi 2 febraayo 1994 kii la siiyo darajooyinkoodda.


Ciidamada darajooyinka loo tallay ayaa ka kala socda ciidanka Milatariga, ciidanka Booliska, ciidanka Asluubta iyo Ciidanka Badda, waxaanu madaxweynuhu darajada ku tollay 12 ka sarkaal ee ugu sareeya oo ah Taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada iyo ku xigeenaddoodda, kuwaas oo kala ah Taliyaha ciidanka Milatariga Ismaaciil Shaqalle oo laga dhigay darajadda Sareeye Gaas, Taliyaha ciidanka Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa la siiyey darajadda Sareeye Guuto, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Maxamed Xuseen Xiirane ayaa laga dhigay darajada sareeye Guuto, Taliyaha Ilaalinta Xeebaha Axmed Cismaan Axmed ayaa lagu tollay Sareeye Guuto, Abaan-duuleyaasha koowaad iyo labaad ee Ciidanka Milatariga iyo Taliye ku xigeenadda Booliska ayaa la siiyey darajooyinka Sareeye Guuto, Taliye ku xigeenadda Aslaabtu ayaa la gaadhsiiyey Gaashaalle sare.

Munaasibadan loogu dabaaldegayey aasaaskii Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay shirgudoonadda labadda gole, wasiiro, wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland iyo marti sharaf kale oo badan, waxaany maanta ka duwanayd xafladihii hore ee ay ciidanku qabsan jiray maadaama oo ay tahay markii ugu horaysay oo darajooyin kala yeeshaan ciidanku, taas oo farxad badani ka muuqatay ciidanka kala duwan ee munaasibadda ka soo qaybgalay.

Saraakiisha kala duwan ee la dalacsiiyey ayaa noqonaya shan kun oo sarkaal oo ka tiran qaybaha kala duwan ee ciidanka, waxaanay xisbiga kulmiye u noqoysaa guul weyn oo uu ku faano mar haddii ay arrintaasi u suurtogashay maadaama oo xukuumadihii ka horeeyey aanay suurtogalin, inkastoo ay marar badan isku dayeen inay darajooyinkaasi siiyaan ciidanka, waxaase nasiib u helay xukuumaddan uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siillaanyo.



Sidoo kale, waxa ciidankan ku jiro saraakiil dhallinyaro ah oo kuuliyadaha ciidamadda ee Itoobiya waxbarasho jaamacadeed ka soo qaatay, kuwaas oo iyagu nasiib u helay in aqoontoodda ku helaan darajooyinkaasi ciidanka la siiyey.

Si kastaba ha ahaateem, darajooyinka ciidanka ee maanta la bixiyey ayaa shacabka reer Somaliland aad usoo dhoweeyeen maadaama oo mooralka ciidanka kor u qaadayso.



Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland