4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Kulan lagu taageerayo Xisbiga Mucaaradka ah USN ee Jabuuti oo lagu qabtay Magaalada Ottawa ee dalka Kanada (SAWIRRO)

Isniin, February 18, 2013 (HOL) - Kulan lagu taageerayo Xisbiga Mucaaradka  dalka Jabuuti ee USN ayaa lagu qabtay magaalada Ottawa ee dalka Kanada. Kulankan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabiyey jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan magaalada Ottawa.

Dadweynihii halkaas ka hadlay ayaa waxay ka wada mideysnaayeen sida ay u duunayaan in uu isbedel siyaasadeed ka dhaco dalka Jabuuti. Waxayna shucuurtooda ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin  caddaala darrada iyo musuq-maasuq muddo dheer ka jira dalka Jabuuti. Waxayna ku adkeeyeen dadweynihii halkaas isugu yimid in ay si toos ah u wacaan eheladooda iyo asxaabtooda una sheegaan in doorashada ka qayb-galaan oo ay isbedel dhaliyaan.

Qabanqaabiyayaashii kulankan ayaa u sheegay Hiiraan Online in xisbiga USN uu yahay xisbiga maanta Jabuuti gaarsiin kara caddaalad iyo dimoqaraadiyad.

Kulankaan uu xiriiriye ka ahaa Ismaaciil Ladiye ayaa dadkii ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Ayuub Jaamac, Maxamed Xuseen, Axmed Cismaan, Xuseen Candhoole, Axmed Ibraahim, Zeynab Ismaaciil, Maxamed Aar, Sheekh Samatar Cilmi iyo Xasan Adan (Dameerjoog). Waxaa halkaas heeso gubaabo iyo ammaanta calanka Jabuuti ka qaaday fannaanadda reer Jabuuti ee Nimca Jaamac Migil, halka fannaanka Cawaale Adan uu kulankaas kula soo xiriiray khadka telefoonka

Maalinta jimcaha ee bishan Feberaayo 22keeda ayaa la filayaa in ay dalka Jabuuti ay ka dhacaan doorasho lagu soo xulayo 65 xildhibaan. Waxaana dalka Jabuuti ka socda olole xoog leh oo u dhexeeya xisbiga talada dalka haya ee RPP iyo xisbiga mucaaradka ee USN.