4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Maamulkii Dowladda Soomaaliya ay u Magacowday Gobolka Bay oo shaqeyn la' iyo Ciidammo ku qulqulaya Baydhabo


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa waxaa maanta gaaray ciidamadii ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo afdhigeedu ahaa degmada Bardaale ee gobolka Bay, kuwaasoo tiradooda ahayd 300-kasi, iyadoo shalayna ay degmadaas gaareen ciidammo saldhig ku lahaa deegaanka Gof-gaduud Shabeelow.

Maamulkii ay dowladda Soomaaliya u magacowday gobolkaas ayaa shaqeyn waayay, kaddib markii xubnihii lasoo magacaabay ay cabsi weyn soo food-saartay, iyagoo ka baqanaya ciidamada kusoo qulqulaya magaalada.

Wadaddooyinka Baydhabo ayaa waxaa lagu arkayaa guddoomiyihii gobalka ee xilka laga qaaday, C/fataax Ibraahim Geesey oo wato ciidammo far badan taasoo ku tusinayso inay xiisad siyaasadeed oo dhalin-karto dagaal ay ka jirto degmada Baydhabo.

Sidoo kale, ciidamada dowladda eek u sugan gobolka Bay ayaa waxay kasoo tageen furimihii dagaalka ee ay ku horfadhiyeen Al-shabaab, gaar ahaan halka loo yaqaan Goof-gaduud.

Wariyaasha ka howlgala magaalada Baydhabo ayaa loo diiday inay bixiyaan warar ku saabsan maamulka cusub ee dowalddu u magacowday gobolkaas, iyagoo la arkayo in wariyeyaasha qaarkood ay la socdeen guddoomiyihii hore ee gobolka Bay, iyadoo suxufiga lagu qasbayo inuu warka ka qaato dhinaca keliya oo aanu dhicana kale ka hadli karin.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa hadda ka shaqeynaya maamulka C/fataax Geeseey, iyadoo la filayo inay mas’uuliyiin ka tirsan dowaldda gaaraan degmada Baydhabo, si ay u xasiliyaan xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya