4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Taliye ku-xigeenka Booliiska Puntland oo ka badbaaday weerar Ismiidaamin ah oo saaka lagula eegtay Gaalkacyo

Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) —Waxaa saaka magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug qarax lagula beegsaday taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

Weerarka oo uu fuliyey qof isasoo miidaamiyey, islamarkaana watey gaari yar oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta taliska ciidamada Booliska Puntland ee magaalada Gaalkacayo.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan , lagana maqlay dhamaan xaafadaha magaalada Gaalkacayo ayaa ilaa iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyoodey hal qof  kaasoo ah qofkii weerarka fuliyey, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaalada taliyaha.

Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa isagana la xaqiijiyey in uu soo gaarey dhaawac fudud, waxaana dadkii weerarkaas ku waxyeeloobey loola cararay Isbitaalka guud ee Gaalkacayo.

Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli todobaadkii u danbeeyey ay magaalada Gaalkacayo ka socdeen howlgallo ballaaran, kuwaasoo lagu soo qaqabtay dad ay tiradoodu 200 kor u dhaafeyso.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan weerarka ismiidaaminta ah ee saaka Gaalkacayo lagula beegsaday taliye ku-xigeenka Booliska Puntland dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya