4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Shirka maamul u sameynta Gobollada Jubbooyinka oo la filayo inuu goor dhow ka furmo Magaalada Kismaayo

Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Kismaayo laga dareemayaa diyaar garow ku aadan sidii dib loogu ambaqaadi lahaa shirkii maamul u sameynta Jubooyinkii, iyadoona maanta ilaa shalay ay garoonka diyaaradaha Kismaayo ka dagayeen masuuliyiin kala duwanayd ee shirka ka qeyb qaadan lahayd.

Wufuud ka kala timid qeybaha kala duwan ee gobollada Jubooyinka iyo Gedo, magaalada Muqdisho iyo weliba magaalada Nairobi ayaa soo gaaray Kismaayo kuwaasoo la filayo in ay ka qeybqaataan shirka maamulka loogu dhisayo gobollada Jubooyinka.

Mid kamid ah odoyaal dhaqameedyada ka qeyb galaya Shirka oo codsaday in aan magaciisa la xigan ayaa HOL u sheegay in la filayo in maanta ay bilowdaan shirar hordhac ah oo ay yeelanayaan wufuudda kala duwan ee ka qeyb galeysa shirka, wuxuuna xusay in la filayo in maalinta berito ah uu si toos ah u furmo shirka.

“Wufuud badan oo ka kala timid gobollada Jubooyinka, Gedo iyo Muqdisho ayaa magaalada soo gaaray, qaar kale oo ay ku jiraan wafdi ka socda urur goboleedka IGAD-na waa la filayaa in ay magaalada soo gaaraan,” ayuu nabadoonku hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale wufuudda ku sugan magaalada Kismaayo ayaa waxaa kamid ah xildhibaanno katirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo, waxaana shirkani la filayaa in lagu dhiso maamul loogu magacdaray Jubbaland oo maamuli doona gobollada Jubada hoose, J/dhexe iyo Gedo.

Ammaanka magaalada Kismaayo ayaa maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee magaalada iyo weliba isgosyada lagu arkayaa ciidamo katirsan dowladda oo sugaya ammaanka, waxaana sidoo kale wufuudda ka qeybgaleysa shirka ay ku qulqulayaan xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo oo ah halka uu shirku ka soconayo.

Shirkan maamul u sameynta Jubooyinka ayaa waxaa soo agaasimay urur goboleedka IGAD, waxaana loo soo wareejiyay dhanka magaalada Kismaayo kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen gacan ku heynta degmadaasi, haseyeeshee sii socoshada shirka ayuu hakad ku yimid kadib markii wufuuddi shirka ka qeygaleysay ay isku qilaafeen habka dhismaha maamulka, waxaana mudooyinkii u danbeeyay soconayay shirar kala gooni-gooni ah oo guddiga farsamada maamul u sameynta shirkaasi ay la lahaayeen qabaa’illada kala duwan ee dega gobollada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasoo sida ay sheegeen masuuliyiinta maamulka KMG Kismaayo ku saabsanaa sidii beelaha dega gobolladaasi loogala tashan lahaa aragtidooda ku aadan shirka maamul u sameynta Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya