4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2013
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo Toddobaadka soo socda ka shiraya Arrimaha Soomaaliya

Axad, Feberaayo 10, 2013 (HOL) — Golaha ammaanka ee Ummadaha Midoobay ayaa toddobaadka soo socda kulan ka yeelanaya arrimaha Soomaaliya, iyadoo goluhu uu sheegay inay tixgelin doonaan warbixin ku saabsan doorka ay Qaramada Midoobay ku yeelanayso Soomaaliya mustaqbalka soo socda.

Ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, dajire Augustine Philip Mahiga oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay xubnaha golaha ammaanku ay diiradda saari doonaan isbedelka cusub ee Soomaaliya.

“Isbedelka ka dhacay dalka Soomaailya, waxaa durba horay iyo gadaal ka istaagtay dowladda Mareykanka, taasoo albaabbada u furtay inay taageero caalami ah hesho,” ayuu yiri Mahiga.

Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay dabayaaqadii bishii Janaayo ee sannadkan in dowladda Soomaaliya ay sameysay horumar dhinaca ammaanka ah ayna waddo dadaallo dib u heshiisiineed.

Qaramada Midoobay ayaa gacan ka geysatay sidii dowlad Soomaaliyeed oo rasmi ah ay uga dhalan lahayd dalka, kaddib 22-sano oo ay ka taagnaayeen colaado sababay in dhammaan hay’adihii dowladda ay burburaan.

Danjira Mahiga ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay raadinayso qorshe ay gacan uga geysanayso soo celinta nabadda Soomaaliya. “Xoghayaha guud wuxuu hoosta ka xariiqay in dhisidda nabadda Soomaaliya ay hadda ku saleysan tahay isbedelka dalka ka dhacay.”

Ammaanka Soomaaliya ayaa sannadkii lasoo dhaafay kor u kacay kaddib markii ciidamada dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya ay Al-shabaab ka saareen deegaanno badan oo ku yaalla Soomaaliya.

Shirka golaha ammaanka uu ka yeelanayo arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa xilli dowladda Soomaaliya ay codsatay in cunno-qabateynta hubka laga qaado si ciidamada Soomaailya dib loogu dhiso. Inkastoo weli ay Al-shabaab weerarro ku qaaddo ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya