4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 4 , 2013
Maamulka Gobolka Banaadir oo ku baaqay in la dhiso guryaha Burbursan ee ku yaalla Bartamaha Magaalada Muqdisho

Arbaco, December 04, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta sheegay inay la wareegi doonaan guryaha burbursan ee Muqdisho ku yaalla haddii milkiilayaasha iska leh ay ku dhisi waayaan muddo saddex bilood gudahood ah.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir, C/kaafi Hilowle Cismaan oo maanta saxaafadda Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in wareegto kasoo baxday maamulka gobolka Banaadir looga dalbanayo milkiilayaasha iska leh guryaha ku yaalla Muqdisho ee burbursan inay dhistaan, haddii kalena lagala wareegi doono.

“Milkiilayaasha iska leh guryaha burbursan ee ku yaalla Xamarweyne iyo Shingaani hadii ay dhisan waayaan muddo saddex bilood gudahood ah waa lagala wareegayaa,” ayuu yiri C/kaafi Hillow oo sheegay in arrintan ay tahay amar kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhismayaasha u sida gaarka ah u tilmaamay xoghayaha in la dhiso ayu ku sheegay inay ku yaallaan inta u dhexeysa, baar Shabeelle, bankigii dhexe, baar Minishiibiyo, agagaarka hoteel curubo illaa saldhiga afar irdood.

Sidoo kale, xoghayaha ayaa sheegay inaysan aqbali doonin in Muqdisho ay ahaato mid fool xun oo ay doonayaan inay noqoto mid dhisan, isagoo xusay in haddii muddada 90-ka maalmood ah lagu dhisi waayo guryahaas ay si toos ah ula wareegi doonaan.

Wareegtadan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socdo dib u dhis xooggan, iyadoo inta badan dhismayaashii burbursanaa ee caasimadda la dhisay, inkastoo ay weli jiraan kuwo burbursan.

Bartamaha magaalada Muqdisho oo ahayd halkii ugu bilicda badnayd ayaa weli burbur xooggan u ka muuqdaa, iyadoo dhismayaashaas aanay wax dayactir ah leh 22-kii sano ee ay colaaduhu socdeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya