4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Ra’iisul Wasaare C/weli Sh. Axmed (SAWIRRO)


Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, kaddib markii maanta uu madaxweynaha Xasan Sheekh maanta hor-geeyay baarlamaanka.

Mudanayaashii kulanka fadhiyay oo tiradoodu ahayd 243 xildhibaan ayaa waxaa 239 ka mid ah ay codkooda siiyeen ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, halka laba mudane ay ka aamuseen laba kalena ay diideen.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlya kulana baarlamaanka ka hor intii aan la ansixin ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay codka kalsoonida ah siiyaan ra’iisul wasaaraha si ay ugu suurogasho inuu soo dhiso xukuumad.

“Ra’iisul wasaaraha cusub ee Somalia waxaan u soo magacaabay kalsooni aan ku qabo inuu dalka ka gudbin karo marxaladda, sidoo kalena uuna sii wadi karo howlihii halkii sano ee lasoo dhaafay lasoo qabtay,” ayuu Xasan Sheekh u sheegay xildhibaannada baarlamaanka.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in qodobbada uu ka doonayo in uu qabto ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ay ka mid yihiin in howlaha u harsan xukuumadda uu qabto, waxaana madaxweynuhu uu ka dalbaday xidhibaannada baarlamaanka inay kalsoonida siiyaan ra’iisul wasaaraha uu soo magacaabay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo isguna hadal u jeediyay xildhibaannada baarlamaanka ayaa u sheegay inuu soo dhisi doono xukuumad ka ballaaran xukumaddii hore oo wax ka qabata dib u habeynta dhaqaalaha dalka, xoojinta dib u heshiisiinta iyo sidii ay ugu soo dabbaali lahayd dalka cadaalad loo dhan yahay.

“Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay ahmiyadda koowaad, labaad iyo saddexaadba siin doontaa sugidda amniga, la dagaalanka argagaxisada, dib u dhiska ciidamada xoogga dalka, tababarradooda iyo qalabeyntooda, sidoo waxaan xoogga saari doonaa in xukuumadayda aan gaarsiiyo dalka oo dhan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhisi doono guddiga xuquuqda aadaanaha iyo guddiga horumarinta dastuurka dalka, maadaama la qorsheynayo in dalka la gaarsiiyo doorasho 2016-ka.

Kaddib markii codka kalsoonida la siiyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa hadal mahadcelin ah xildhibaannada u jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka dalbaday ra’iisul wasaaraha inuu gudo-galo soo dhisidda xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku dhaawaqay in ra’iisul wasaaraha cusub uu wixii maanta ka dambeeya la wareegayo howlaha xukuumadda, loogana fadhiyo inuu soo dhiso gole wasiirro.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isla gudaha xarunta golaha shacabka lagu dhaariyay sida uu qabo dastuurka dalka, waxaana uu sheegay dhaarintiisa kaddib inuu si deg-deg ah kusoo dhisi doono xukuumad tayo leh.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari ayaa ka dalbaday ra’iisul waasaraha cusub ee Soomaaliya inuu xukuumaddiisa ku soo dhiso inta ka harta xilliga uu xirmayo kalfadhiga saddexaad ee golaha baarlamaanka oo ku beegan dhammaadka bishan December.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya