
Madaxweynaha oo ka qaybgali lahaa dabaal degyada dawlada Kenya ay u samaynayso sannad-guuradii
![]() ![]() ![]() |
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari oo u matalaya Soomaaliya ka qaybgalka xuska 50-aad ee xorriyada Kenya ayaa goor dhawayd kasoo dagay magaalada Nairobi.
Madaxweyne Xassan ayaa kulamo la qaatay shalay musharrixiinta u taagan xilka Ra’iisul wasaaraha oo gaaraya 17 musharrax, kuwaasoo intooda badan uu madaxweynuhu la qaatay kulamo gaargaar ah.
Wararka ayaa sheegaya in ay ku jireen musharrixiinta uu la kulmay madaxweynuhu Xuseen Cabdi Xalane iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex oo horay xilal uga soo qabtay dawladihii hore ee Soomaaliya iyo Maxamuud Xaaji Xassan oo kamid ah ganacsatada waawayn ee Soomaalida.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maalmahaanba waday kulamada iyo la tashiyada kala duwan ee uu la yeelanayo qaybaha bulshada Soomaalida iyo murashaxiinta intaba.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya


