4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 29, 2013
Madaxweynaha Puntland oo eedeeyay Dowladda Somalia kana soo horjeestay Heshiiskii Addis Ababa lagu gaaray

Khamiis, August 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa ku eedeeyay dowladda Somalia inay is-hortaagtay nidaamka federaaliga ah ee la doonayo Soomaaliya in laga hirgaliyo.

Madaxweyne Faroole oo beryahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, ayaa sheegay inuu wadi doono qorshaha lagu soo saarayo shidaalka Puntland islamar ahaantaana uusan la qaybsan doonin dawlada federaalka dakhliga kasoo gala shidaalka.

Isagoo wareysi siiyay wakaalada wararka ee Reuters ayuu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dalka dib loogu celiyo nidaam lamid ah kii Maxamed Siyaad Barre sida uu hadalka u dhigay.

"Waxay rabaan in dalka ay ka hirgaliyaan nidaamkii awooda oo dhan dawladda dhexe gacanteeda ku jirtay, sida kii Siyaad barre oo kale” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inaysan ogolaan doonin in dawlada dhexe shirkad shidaal oo ay heshiis lasoo gashay ay ka hawlgasho deegaannada ay maamulaan.

“Waan ka joojinaynaa inay dhulkayaga timaado shirkadii heshiis lasoo gasha dawlada federaalka ah” ayuu yiri.

Heshiiskii Jubbaland:

Dhanka kalana madaxweynaha Puntland ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya, isagoo sheegay in dawladda Muqdisho aysan ogolayn inay maamul goboleedyada awood siiso.

"Waxay rabaan inay isku dhac ka dhex abuuraan dadka Jubbaland, horayna waa u sameeyeen, si ay ugu doodaan habkaani shaqayn mayo oo wuxuu keenayaa inay dadku is laayaan” ayuu yiri.

Doorashada Puntland:

Mar uu ka hadlay doorashada soo socota ee ka dhici doonta Puntland ayuu sheegay inuu doonayay in nidaamka halka cod ah oo ay shacabku codaynayaan uu hirgaliyo balse ay fashiliyeen dad uu ku tilmaamay inay yihiin siyaasiyiin hore oo saamayn ku leh Puntland.

Wuxuu sheegay inay u dhici doonto doorashadu qaabkii hore ee odayaasha qabaa’ilku ay soo xulayeen xildhibaano doorta madaxweynaha.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa yimid maalin kaddib markii ay Maamulkii horay loogu yaqaanay Jubbaland ee loo bixiyay Jubba iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya  kala saxiixdeen heshiis taariikhi ah oo la filayay inuu soo afjaro mushkiladda ka taagan Soomaaliya, kana mid ahaa arrimihii sii kala fogeeyay maamul goboleedka Puntland iyo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Axmed C/samada, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya