4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 27, 2013
Guddoonka Baarlamaanka oo sharcidarro ku tilmaamay in laga keeno Mooshin Heshiiskii dhexmaray Somalia iyo Somaliland

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday mooshin laga keenay heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyagoo sheegay in mooshinkaas uu ka horimaanayo dastuurka dalka, sidaa daraadeedna aan laga doodayn.

Kulan uu maanta yeeshay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hadalka ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, isagoo xusay in xildhibaannadu ay dalban karaan in dadkii ka qaybgalay ay horyimaadaan baarlamaanka, balse aan heshiiskaas laga hadli karin.

“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yiri Cawad.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaysan ka doodi karin war-murtiyeedkii ama heshiiskiii kasoo baxay shirkii Somalia iyo Somaliland wuxuuna xusay in xukuumadu ay xor u tahay inay ku matasho Soomaaliya arrimaha siyaasadda.

“Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma ahan mid sharciga waafaqsan sidaa daraadeed loogama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeertaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay si aad su’aalo u weydiisaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay dhawaan u gudbiyeen baarlamaanka ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somailand, kaas oo ahaa mid iskaashi oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la wadaago deeqaha dibadda laga helo iyo ka shaqeynta ammaanka.

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya